unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

ISRAA’IIL OO WALI SII WADDA DUQAYMAHA QASA

Dhismo dhawr dabaq ka kooban oo ku yaalla gudaha Qasa ayaa xalay ku burburay duqeyn ay Israa’iil halkaasi ka geysatay.

Saraakiisha reer Falastiin ayaa sheegay in weerarkasi ay ku dhaawacmeen ilaa 18 qof oo rayid ah.

Hase yeeshee Israa’iil ayaa sheegtay in duqeymo ay la beegsatay in ka badan 150 bartilmaameed oo ku yaalla gudaha Qasa, kuwaa oo jawaab u ahaa sawaariikh tiro badan oo Xamaas ay ku garaacday gudaha Israa’iil.

Milatariga israa’iil ayaa sheegay in Xamaas ay ku soo ridday sawaariikh awood u leh in ay gaadhaan badhtamaha Israa’iil, waxa uuna intaasi ku daray in dhawr qof ay ku dhaawacmeen sawaariikhdaasi.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in labada dhinac ay hadda gaadheen heshiis xabbad joojin ah balse ilaa haatan Israa’iil ma aysan xaqiijin jiritaanka heshiiskaasi.

Saraakiil reer Falastiin ah ayaa sheegay in la gaadhay heshiis ay gadhwadeen ka ahayd dowladda Masar.

Rabshadaha ka jira Qasa ayaa xoogeystay kaddib markii maalmo ka hor ay Israa’iil weerar ku dishay laba nin oo ka tirsan garabka hubeysan ee ururka reer Falastiin ee Xamaas.

Latest News

  • Gudida Gacanta ku Haysa Garoon Ciyaareed Laga Dhisayo Burco oo Lacag Lagu Wareejiyey.
  • Madaxwayne farmaajo oo Qaahira Kula Kulmay Madaxwaynihii Horre Soomaaliya.
  • Barnaamijka Xoogsatadda |SAABTV| Dhalinyaradda Ku Xoogsatadda Gadiidka Bajaajta.
  • “Ma Jiro Xeer Cadaynaya Goboladda A-da, Gabilayna Waa……” Xildhibaan Wabeeye.
  • Madaxwayne Farmaajo oo La Kulmay Dhigiisa Dalka Masar.

Latest Articles

  • Ayaa Hortaagan In AY Dalka Ka Qabsoonto Doorasho Loo Dhan Yahay?
  • Somaliland – Dhuumasho Dhabarku Muuqdaa waa Dhib iyo Hadimo
  • Ogaysiis: UN HABITAT
  • Miyyi Ilaa Madaxtooyo: Sheeko Dhex Martay Siilaanyo iyo Sheekh Shariif
  • SHEEKH SHARIIF Xujada cusub ee Nabad iyo Nolol W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital