unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Badheedhaha Kartuunka Carraale Ee Wargeyska Ogaal

Marka hore xamdi alla iyo xaal aduun. Marka xigga, maanta waa markii u horaysay ee muddo kordhintu xaq tahay, kuwii hore oo dhamiba siyaasad iyo damac aan duruuf ku salaysnayn ayay ahaayeen, maantase tii dastuurku
jiddeeyay ayaa taagan, Umad dad iyo duunyaba macaluul u dhimanaysa oo abaari hayso u gurmo mooyee, wax kale in loola tagaa waa xaarraan. Sidaa darteed, Odayga waxaan leeyahay Adigu dooni maysid muddo kordhin oo waa ognahaye, Anaggaa kula doonayna ee noo joog, duniddana lama arag dal xaaladuu ku jirro dafirsane qaranku ha ku dhawaaqo xaallada oo umadda ha loo gurmado. Guurtidda waxaan leeyahay,  doorkiinna qaata oo kordhiya waqti munaasib ah. Komishankana waxaan leeyahay, dadkii ma joogaan iyo kaadhadh baanu qaybinaynaa isma
waafaqsanna ee laba codlaynta joojiya. Faysal siduu xaaladda uga badheedhay waan ku hambalyaynayaa, Cirro na waxaan leeyahay soddon eray hal kaa dooni, sadex eray hakaga bixin. Muuse Biixina, waxaan leeyahay, Inaadeer horta yaa kugu yidhi 28ka march mooyee maalin kale waxba heli maysid? Haddii Siilaanyo sii joogo iyo iyagiyo allahoodee siday leeyihiin haddii Saylici yimaadaba, ninna maalinta u wanaagsan garan maayee, isu taga oo xaqqiiqadda ha isku diiddina.    

Latest News

  • Barmaamij Ku Saabsan Doorka Muslimiinta Marykanka Ku Nool Iyo Arimo Kale
  • Ka Digista Fidnada – Sh Cabdilaahi Barbaraawi
  • Siyaasi Dhoola yare Oo Ka Hadlay Hadallo Ka Soo Yeedhay Taliyayaasha Ciidamada
  • Beelihii Ku Diriray Degaanka Ceelafweyn Oo Kala Qaatay Diyaddii Dadkii Ay Kala Dileen
  • Siyaasiyiin Iyo Odayaal Fariin Culus u Diray Guddiga Doorashooyinka Iyo Xukuumada

Latest Articles

  • Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).
  • Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour? Taageerayaashii iyo asaasayaashii waddanka yuhuuda. Maxamed Ibrahim Saleban
  • Samaale ma wuxuu noqday ninkii daadka ka reebay ninka ay colka yihiin?..WQ Suxufi Maxamed Siciid (Xarrago)
  • Cugasho:Maanso Cusub Oo Tiriyay..Ismaaciil Qorsheel.
  • Toban Qodob oo ku saabsan Columbia iyo One Young World 2017;

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital