unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Jawaari Oo Markii Labaad Ku Guulaystay Hogaaminta Baarlamaanka Federaalka Somaliya.

 

 

Muqdisho (Togdhnews) Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa mar kale loogu doortay xilkaasi doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho, sida uu ku dhawaaqay guddoonka ku meel gaadhka ah ee baarlamaanka Cusmaan Boqore.

Madasha  ayaa waxa fadhiyay 290 xildhibaan,waxaana u   codeysay  Jawaari  141 cod, halka Musharraxa ku soo xigay oo  noqday Cabdirishiid Xidig uu  helay 97 cod. Guddoomiyaha dib loo doortay Jawaari ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay doorashada.

 

Musharrixiinta laga guuleystay ayaa qirtay guul-darrada. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in beri ay dhacdo doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka.

 

 

Taariikhada Jawaari

 

Siyaasigan 72 sano jirka ah kuma cusba siyaasadda, oo wuxuu afartii sano ee la soo dhaafay hayay xilka maanat dib loogu doortay

 

Intii ka horreysayna wuxuu u badnaa shaqooyin uu la la qabtay qaramada midoobay, jaamacad ku taalla Norway oo uu wax ka dhigayay iyo guddoomiye uu ka noqday guddiyo qaran oo qaabilsanaa dastuurka.

 

Prof Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu hore u soo noqday wasiir dhowr jeer ka tirsanaa dowladii Maxamed Siyaad Barre ee xukunka laga tuuray sanadkii 1991. Wuxuu kaloo dowladaas ka qabtay xilal kale oo dhowr ah.

 

Tababar ahaan, waa qareen, wuxuuna prof Jawari hore u soo guddoomiyay guddiga madaxa bannaan ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay. Wuxuu ka soo jeedaa oo ay isku hayb yihiin guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan oo isagu loo arko inuu ka mid yahay musharrixiinta u tartameyso xilka madaxtinnimada. Hase yeeshee, waxaa suurtagal ah in guusha prof Jawari ay si toos ah meesha uga saarto hamiga madaxweyninimo ee uu ahaa Shariif Xassan Sheekh Aadan.

 

Waayo, nidaamka 4.5 ee awood qaybsiga ayaa ka hor istaagaya hogaamiyayaasha isku qabiilka ah in ay wada qabtaan sadexda xafiis ee ugu sareeya ee kala ah kan madaxwaynaha, kan ra’iisul wasaaraha iyo kan baarlamaanka.

Latest News

  • Malaysiya Oo U Yeedhay Danjirehedii U Joogay Waqooyiga Kuuriyya Ka Dib Dilkii Qorshaysnaa Ee Lagudilay Ninkii Ay Walaalaha Ahayeen Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-nam.
  • Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaliland Oo Gaadhay Magaalada London Muqaal.
  • Heshiiska Saldhiga Imaaraadka Oo Dilaal Ahaan Loogu Kala Qaadanayo 7 Milyan Oo Dollar, Doorka Somalia Oo Cadaaday Iyo Dilaalnimada Baashe
  • Deeq Raashin Ah Oo Dawlada Jamhuuriyada Jabuuti Ugu Deeq Day Gudida Abaaraha Ee Heer Qaran Oo La Soo Gaadhsiiyay {Muqaal}.
  • Faah Faahin Dheraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Khasaaraha Dhimashada Iyo Dhaawaca Uu Gaystey Qaraxii Muqdisho Ka Dhacay + Muqaal.

Latest Articles

  • War ka soo baxay laanta xisbiga waddani ee dalka Holland
  • Faallo: Xadhig Mise Xal? Qore: Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)
  • WAA MAXEY SALDHIGA MURA TARIGU..Fu,aad Qawdhan .Lodon
  • Dadka Somaliland-now dawlad baanu nahay iyo dunida la macaamili mayno Kala Daaya
  • Saldhiga Imaaraadka Ee Berbera Faa’ido Mise Khasaare? W/Q Khadar Cabdi

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital