unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Uhuru Kenyatta Oo Ku Guulaystay Doorashadii Dalka Kenya Iyo Mucaaridka Oo Ku Gacan Saydhay

Guddiga doorashada ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu mar kale ku guulaystay doorashadii aadka looga war sugayay ee dhacay Talaadadii.

Xisbiga mucaaradka ah ee Nasa ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay gudiga iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.

Haddana Uhuru Kenyatta waa kuma?

Doorashadii hore, Kenyatta waxa uu wajahayay maxkamada dambiyada caalmiga ah ee ICC waxaana loo haystay dacwado la xiriira xadgudubyo ka dhan ah aadanaha.

Arrimuhu iminka si wayn ayay isu badaleen.

“Waxa ay noo sheegeen in caalamka ay naga dheeraan doonaan, laakiin maanta ma jiro waddan dunidda ka tirsan oo ka baaqsanaya in uu la kulmo madaxweynaha jamhuuriyadda Kenya”.

Doorashadan tii ka horreysay dowladaha UK iyo Maraykanka ayaa Kenyanka uga digay in howluhu aysan sidii hore ahaan doonin hadii Mr Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto, oo wajahahaya dambiyo ka dhan ah aadanaha xilka loo doorto.

Maraykanka ayaa waxa uu markaasi ka digay “in natiijada doorashada ay yeelan karto cawaaqib ” halka dowlada Britain ay ka digtay in xiriirka Kenya uu noqon doono mid hoos loo dhigo “.

XIGASHO..BBC

Latest News

  • Xukukamada DF Oo Ka Hadashay Deeqdii Dawlada Maraykanku Siinjirtay Malatariga Somaliya
  • Muadaharaad Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Magaalada Boorama
  • Kulan Lagu Soo Bandhigayay Taariikhda Qadiimiga Magaalada Qudus Oo Lagu Qabtay Hargaysa
  • Ugu Yaraan Ilaa 60-Qof oo Somali ah lagu Dilay Maamulka Degaanka Oramada
  • Kulankii u Horeeyay Ee Gollaha Wasiirada Xukuumada Muuse Biixi Iyo Nuxurkii Lagaga Hadlay

Latest Articles

  • Maxaa Cashar laga Baran Karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ??.. By: Cali Xaruuri
  • Qormo Kooban Oo Hugotusaale u ah Madaxweynaha La Doortay Mustafe Adam kibaaro@gmail.com
  • FARRIIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA LA DOORTAY W/Q. Maxammad Saleebaan Cumar
  • Madaxweyne Muusow laba uun Yeel Waad Guulaysane Qalinkii Cabdi Cawiye
  • Booska hebel baan ku socdaa ???? By:Barkhad-ladiif M. Cumar

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital