unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Madaxweyne Farmaajo Oo Kala Qeyb Galay Furitaanka Beerta Midnimada Ee Hoggaamiyeyaasha Dalalka Geeska Afrika

TOGDHEERNEWS : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee Labada Dal.

Mudane; Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey Dalka Itoobiya ayaa aad u bogaadiyay hirgelinta fekerkan oo ah mid ahmiyad weyn u leh Dadyowga ku dhaqan Waddamada Bariga Afrika.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimilada Dalkeenna iyo bilicdiisuba ay horseedayso in ay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.

“Dhinacayaga, waxaa naga go’an dhiirri-gelinta dalxiiska iyo iskaashiga ka dhexeeya Dalalkeenna, taas oo ay fududeynayso duullimaadyada tooska ah ee maalinlaha ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha Dalalka Uganda , Yoweri Museveni, Kenya Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaanta Waqooyi Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay Dalalka Gobolka.

Latest News

  • Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Sweden iyo Talyaaniga
  • Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo La Kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya
  • Haay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa bilawday Diwaan-galinta Shaqaalaha aan diiwan-gashanyn
  • Wariyeyaasha telefishanada madaxa banaan oo kalsoonidii kala noqdey Guddoomiyaha Ururka Solja
  • Guddoomiyaha Maxkamadda Somaliland oo isku shaandheyn ku sameeyay waaxaha kala duwan ee Garsoorka

Latest Articles

  • Wariye Kayse Axmed Digaale Oo Bariga London Loogu Sameeyay Casho-Sharaf
  • Wada-shaqaynta qarsoon ee Hargeysa iyo Xamar
  • Aniga oo ah Aqoonyahan / Abwaan Ibraahim-Rashiid Cismaan Guure waxaan kula talin lahaa ummadda reeer somaliland Qodobbadan:
  • Suurtogal ma tahay in Somaliland afti laga qaadaa?
  • Wariye Kayse Axmed Digaale oo qado sharaf loogu sameeyey galbeedka magaaladda London.Sawiro

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital