unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Nuxurka Kulan Dhexmaray Qaadhaan Bixiyayaasha Iyo Saddexda Murashax Madaxweyne Oo Weli Kala Aragti Fog

Hargeysa(Togdhnws)-Qaar ka mid ah wakiilo ka socday dalalka deeq bixiyayaasha ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, ayaa shalay kulan wada jir ah la yeeshay saddexda murashax madaxweyne ee saddexda xisbi qaran ee Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhanyihiin ayaa waxa ka qayb galay diblomaasiyiin ka socday dalalka Ingiriiska iyo Denmark, waxaanay dhagaysteen doodaha iyo aragtiyaha saddexda murashax ee Cabdiraxmaan-Cirro, Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi ee la xidhiidha arrimaha doorashada iyo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan.

Sida ay ilahan xogogaalka ahi u sheegeen Geeska Afrika murashaxiinta ayaa halkaas ku soo bandhigay aragtiyahooda kala fog, waxaana isku aragti ahaa laba murashax mucaarad, halka uu murashaxa KULMIYE ka aragti duwanaa.

Murashaxa iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulankaas ku soo bandhigay in xisbigiisa iyo xukuumaduba diyaar u yihiin inay ka qayb galaan doorasho qabsoonto bisha March ee 2017, isagoo xusay inaan la isku xidhin doorashada iyo abaarta jirta, balse doorashadana la qabto abaartana loo gurmado.

Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa isna halkaas ku soo bandhigay aragtidiisa oo ahayd inay dalka ka jirto abaar aad u adagi, islamarkaana ay dadkii ka hayaameen deegaamadii ay hore isaga diiwaangeliyeen oo aan hadda kaadhadhkii loogu gayn karin, waxaanu soo jeediyay in loo gurmado dadka ay abaartu ku habsatay islamarkaana la joojiyo in la bilaabo kaadhadh qaybinta.

Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu wuxuu kulankaas ku soo bandhigay dood xoogan oo nuxurkeedu ahaa inaan lagu dul ololayn dadka reer Somaliland ee ay abaartu ku habsatay, waxaanu soo bandhigay warbixintii guddiga doorashada ee ahayd in qiyaas ahaan 70% aanay dadkii isdiiwaangeliyay joogin goobihii loogu gayn lahaa kaadhadhka doorashada lagu codaynayo.

Faysal Cali Waraabe, wuxuu beesha caalamka u soo jeediyay inay u gurmadaan dadka ay abaartu ku habsatay iyadoo jiilaalku hadda bilowyahay.

Laba diblomaasi oo iyaguna kulankaas ka hadlay, ayaa waxay sida uu warku sheegay halkaas ka sheegeen inay dhawaan dalka iman doonaan safiiro ka socda dalalkooda, waxaanay xisbiyada iyo murashixiinta u soo jeediyeen inay sii wadaan wada hadalada iyo isu soo dhawaanshaha si xal loo gaadho.

Latest News

  • Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Toddoba Xubnood Oo Ka Tirsan Mas’uulyiinta Xisbiga WADDANI.
  • Gudoomiyaha Degmada Duruqsi Ee Gobolka Togdheer Oo Shaaciyay In Ay 5 Qof U Geeriyooday Haraad Iyo Gaajo
  • Daawo:Murrashax Faysal Cali Waraabe Oo Ku Taliyay Inay Somaliand La Midowdo Imaaraadka Carabta.
  • Gudoomiye kuxigeenada Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Lagu Soo wareejiyay xarunta gobolka +Sawirada
  • Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Shaaciyey Inuu U Tartamayo Kursi Ka Mid Ah Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Waa Kursigee ?

Latest Articles

  • Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Hanti Dhawraha Guud iyo Guddiga Musuqmaasuqu ha iscasilaan (Q. 2aad)
  • Dr. Moxamd Cisman Fadal iyo xaaskiisa Zeinab Yusuf X. Adan Waxay Tacsi U Dirayaan..
  • Qisso cajiib ah : Beenta aad caruurtada bartaa dib ayay kuugu soo noqotaa adiga..WQ/Khadar Ibrahim Aar
  • Ambassador Gaaruf Muu Abbaarin Xaqiiqada Iyo Waxa Keenay Sarrif Bararka: W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • DULIN ABAAREED…WQ Cabdijibaar Aaden Gaas

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital