unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Somaliland: Madaxweyne-xigeenka oo ku Baaqay in Maayirradu ku Dhexmilmin Siyaasadda iyo Qabyaaladda

Hargeysa (Togdhnews)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ku baaqay in maayirradu ka shaqeeyaan bilicda magaalooyinka loo doortay oo aanay ku dhex milmin siyaasadda iyo qabyaaladda.

Md. Cabdiraxmaan Saylici oo kormeeray hawlaha shaqo ee laga maalgalinayo mashruuca maamul-daadajinta ee la yidhaa JPLG ee dawladda hoose ee Hargeysa wado shalay, ayaa hadal uu jeediyey waxa uu kula dardaarmay maayarrada, xildhibaannada iyo masuuliyiinta golayaasha degaannada inay xoogga saaraan gudashada xilka saaran iyo sidii ay caddaalad ugu shaqayn lahaayeen shacabka.

“Golayaasha degaanka xil baa saaran, iyadoo dhammaanteen xilku inna saaranyahay haddana waxa uu xil gaar ahi masuuliyiinta laga doortay magaalooyinka, waxa loo doortay waa arrin culus iyo sidii magaalooyinka caasimadaha degmooyinka inay bilicdooda hagaajinayaan, waa wejigii ummadda, waxaannan ku dardaarayaa dhammaan golayaasha degaanka ee maayarrada iyo saaxiibadooda kale ee lala doortay iyo xoghayayaasha dawladaha hoose inay ka baxaan waxa la yidhaa siyaasad, qabyaalad iyo is-dabayaaca oo nin waliba xilkiisa halkiisa kaga soo baxo, inay shaqadooda hagaajiyaan, ummaddana si siman oo caddaalad ah ugu shaqeeyaan, khayraadka ay gacanta ku hayaan hadday shaqaale tahay iyo hadday qandaraasyo tahayba inay ummadda u xaq-sooraan, waxa la idiinka baahan yahay Haani gun bay ka tolantaaye mar walba inaad caddaalad ugu xaq-soortaan shacabkiinna,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Dhinaca kale, Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu sheegay in ay qiimanayaan heerka horumar laga gaadhay Mashruuca JPLG oo siddeed degmo oo uu ka socdo hadda dhammaystay laba waji oo muddo toban sanno ah, kaasi oo ujeeddada laga leeyahay tahay maamul-daadajin lagu sameeyey adeegyada bulshada eel agama maarmaanka ah si ay ugu fuliyaan dawlaha hoose shacabka deegaannadooda ay ku noolyihiin, isla markaana dhawaan la bilaabi doono wejigiisii saddexaad.

 

 

Latest News

  • Wasiirka Macdanta Tamarta. Somaliland. Oo Eedaymo. Culus loo jeediyay
  • Daawo: Badhsaabka Togdheer oo Ka Warbixiyay Hawlgalo Ciidanka Aminiga Ka Wado Gudaha Burco
  • Shaqaale Ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Oo Mushahar la,aan Ka Cabanaya.
  • Siyaasi Si Weyn u Cambaareeyay Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.
  • Dawlada Ingiriiska Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Dalkaas.

Latest Articles

  • Dooda xisbiga kulmiye ee leh isbadal shaqsi iyo mid siyaasadeed ayaanu idin wadnaa shacabow.
  • DURUUFAHA HAYSTA XEEBAHA IYO GUBANKA BARIGA BERBERA
  • Isbedelada Sumaysan Ee Dalka Ka Dhacay 7-dii Sano ee Xukuumada Kulmiye
  • Afar kalmadood oo dadka Somalida ah ku adag in ay yidhaahdaan! W/Q.Khadar Aar
  • Muraabaxada Baananka Islaamiga ah ma ribaa ku walaaqan. (Qaybtii 3aad)

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital