unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Jewiga Madashii Ay Maanta Shirkadda DP World Kula Wareegtay Gacan-ku-haynta iyo Maamulka Dekedda Berbera.

dek1 dek2 dek4 dek5 dek2 dek2

Berbera (Togdhnews )-  Munaasibad miisaankeedu culus yahay oo maanta lagu qabtay magaalo xeebeeda Berbera ee Somaliland ayaa Xukuumadda Somaliland ay si rasmi ah ugu wareejisay Shirkadda Caalamiga ah ee DUBAI Port World ee magaceeda loo soo gaabiyo DP World gacan ku haynta iyo horumarinta dekeda Berbera kadib heshiis dhawaan ay dawladda Somaliland si rasmi ah ugula saxeexatay shirkaddaas muddo sododn sanno  ah in ay maamusho dekeda. Xafladdan ooahayd mid si weyn loo soo agaasimay   kana soo qaybgaleen Madaxda ugu saraysa shirkada Dp World iyo Madax sare oo ka socday dawlada aynu walaalaha iyo jaarka nahay ee Itoobiya ayaa ahayd mid ay shirkada DPW si rasmi ah ugala wareegtay dawladda Somaliland dekeda Berbera sidii ay heshiisyadii hore lagu cadeeyey, balse munaasibadan ayaa ah midii ugu weynayd ee dalka lagu qabto, taas oo lagu shaaciyey heshiiskaasi hore uga dhacay Dubai. Weftigii miisaan leh oo ka socday shirkada Dp world ayaa  subaxnimadii hore maanta May 11 2017 ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Kuwait Terminal of Berbera, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey weftiga xubno ka mida golaha wasiirada oo uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibeda Somaliland iyo madaxda gobolka Saaxil, waxaana loo soo gelbiyey dhinaca guriga martida ee magaalada Berbera waxaana ku qaabiley madaxweynaha qaranka jamhuuriyadda Somailand Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ka dibna waxa loo gudbay dhinaca dekeda oo ay ka dhacday munaasibada wareejinta dekedu, waxaana halkaasi hadalo ka jeediyey maareeyaha dekeda Berbera ee Dp World (DP World Berbera CEO Ibrahim Al Hammadi, said), maamulaha shirkada Dp World, (DP World Group Chairman & CEO Sultan Ahmed bin Sulayem, said), wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire iyo Madaxweynaha oo isagu soo xidhay munaasibada, ka dibna shahaadooyin ayuu madaxweynuhu gudoonsiyey isagoo uu wehelinaayo maamulaha shirkada Dp World, masuuliyiintii ka socday dawlada Somaliland iyo shirkada DP World ee qaybta weyn ka qaatay in ay hirgasho oo lagu guulaysto heshiiskan taariikhiga ah ee Somaliland iyo DP World ay wada galeen. Maamulaha shirkadda DP World  Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa isaguna dareenkiisa la xidhiidha munaasibadan halkaa ka jeediyey “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dadweynaha Jamhuuriyadda somaliland iyo dawladdooda oo kaalin mug leh ku yeeshay hirgelinta munaaisbadan iyo wareejinta dekedda”, sidaas waxaa yidhi maamulaha ama CEO-ga guud ee shirkadda DP World sida lagu sheegay war murtiyeed kooban oo ay shirkadda DP world warbaahinta u qaybisay kaasi oo luuqadda Ingriiisada ku qornaa,

Madaxweynaha qaranka Somaliland, Md Axmed Maxamed Silaanyo oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa yidhi; “Bismillaahi Raxmaani Raxiim,,, Alxamdaalilaahi Rabbil Caalamiin, Wa Salaatu Wa Salaamu Calaa Rasuulillaah. Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Milgo iyo maamuus weyn ayey ii tahay, in aynu maanta isugu nimaadno xafladdan taariikhiga ah ee ku suntan iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isutagga Imaaraatka Carabta. Waxa dhammaanteen farxad iyo yididiillo inoo ah, in maanta aynu si rasmi ah Dekedda Berbera ay ka mid noqotay dhowr-iyo todobaatanka Dekedood ee ay maamusho ama maalgelinayso Shirkadda Caalamiga ah ee DP World, taas oo qarankan u horseedi doonta in ay u soo jiiddo, saaxiibo iyo xidhiidho ganacsi oo dhiiri gelin kara maalgashi badan oo hor leh.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Casriyeynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera, waxay u ahayd bar-tilmaameed barnaamijka Wax-qabadka Xukuumaddayda. Waxaan aaminsanahay in maanta dariiqa ugu habboon ee aynu ku dhisi karno dalkeenna hooyo, uu yahay, in aynu la nimaadno Siyaasad Ganacsi oo furfuran, taas oo inoo sahli karta in aynu hello maalgashi caalami ah oo ku dhisan dano-wadaag (Mutual Interest). Shirar maalmo lagugu martiqaado, iyo maqdarad adduun weynuhu kuu dhigo, oo hadba lagugu manno sheegto, midna qaran kuma meel maro. Hase-yeeshee, ummadi waxay asaageeda ku gaadhi karta oo qudha, himilo cad, hammi fog, iyo hal abuur uu saldhig u yahay tacab, talo wadaag iyo isku tashi. Waxaan leeyahaya shacbigayga, waynu isku tashanaynaa, Ilaahayna waynu talo saaranayna, waxaa dhab ah murtida soomaaliyeed ee tidhaahda: “Biyo sacabadaada ayuun baa lagaga dhargaa”.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Mandaqadda Geeska Afrika, waxa ka socda tartan ganacsi oo dhinacyo badan leh, taas oo wax tar u leh shucuubta ku dhaqan Geeska Africa. Sidaa darteed, Somaliland oo ku taal boqcad istraatiiji ah, oo muhiim u ah isu socodka ganacsiga caalamka, haddaba waxa inala gudboon, in aynu la jaan-qaaddo horumarkaa ka socda dalalka aynu deriska nahay. Aniga oo hoggamiye ahaan ka duulaya aragtidaas, waxay Xakuumadda aan gadhwadeenka ka ahay, dedaal dheer u gashay sidii maal-gelin ku habboon loogu heli lahaa Marsada caalamiga ah ee Berbera. Eebbe mahadi, riyadaasi way rumowday. Maalgashiga, casriyeynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera wuxuu wax weyn ka beddeli doonaa nolosha iyo dhaqaalaha Bulshada Somaliland. Waxa kale oo uu dhiiri-gelin u noqon doonaa, mashaariic kale oo muhiim ah, iyo shirkado caalami ah, oo dalka maalgashi ku sameeya. Dhinaca kale, maalgashigani waa mid fursado shaqo u abuuri doona, xoogga dhallinyarada dihin ee shaqo la’aantu hayso. Wuxuu kor u qaadaya iskaashiga ganacsi ee aynu la leenahay dalalka deriska, sida oo kale, wuxuu kor u qaadi doona xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta, kaas oo ahaa mid soo jireen ah qaraniyo badan, awoow illaa ka awoow.

Mudanyaal iyo Marwooyin,

Dawladda Somaliland waxay qadarin iyo ixtiraam weyn u haysaa, dalalka ay deriska yihiin, oo aynu dano badan wadaagno. Dalalkaas waxaynu nahay saaxiibo iyo jaal aad isugu dhow. Waxaannu aaminsanahay, in shucuubta ku dhaqan dalalka Geeska Afrika, ay yihiin dad walaalo ah, oo dano badan wadaaga. Waxaannu aaminsanahay, in horumarka iyo wanaaga midkood u soo kordhaa, uu ka kale u yahay sed iyo sareero. Xukuumadayda waxaa ka go’an in aynu xoojinno xidhiidhka iyo wada-shaqaynta dalalka deriska ah,  iskana kaashano adkaynta amniga, la-dagaalanka argagixisada, budhcad badeedda, Tahriibta, Faqriga, Gaajada iyo Ganacsiga Sharci-darrada ah. Sida aad la socotaan, waxaa jira heshiisyo kale oo jamhuuriyada somaliland iyo dawlada isutaga Imaaraaadka carabtu wada galeen, kuwaas oo ah kuwo amni iyo ganacsi, sida saldhiga miletari iyo shirkada diyaaradaha ee FlyDubai, oo si joogto u timaada maalin kasta Jamhuuriyadda Somaliland. Heshiisyadaa kala duduwan waxay sii xoojinayaan iskaashiga iyo wax wada lahaanshaha labada dal. Xidhiidhka Somaliland iyo Isutagga Imaaraatka Carabtu ma’aha mid imika bilaabmay, laakiin waa mid muddo dheer soo jireen ahaa. Waxaan xasuustaa yaraantaydii, markii aan magaaladan Berbera ka baranayey Quraanka Kariimka ah, inuu jiray xidhiidh ganacsi oo xooggan oo ka dhexeeyey labada shacab. Ugu dambayn, waxaan jecelahay in aan halkan mahad-naq ballaadhan uga soo jeediyo Madaxweynaha Dawladda aynu walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Khaliifa Binu Zaayid Aal Nahyaan iyo Waliyul-cahdiga Sheekh Muxammed Bin Zaayid Aal Nahyaan iyo Raiisal Wasaaraha Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Raashid Aal Maktoom iyo Shacbiga Dawladda Imaaraadka Carabta. Sida oo kale, waxaan iyana halkan uga mahad naqayaa, dhammaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Gobolka Saaxil sida diiran ee ay u soo dhoweeyeen Mashruuca casriyeynta Dekedda Berbera. Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa waayeelka, waxgaradka iyo haldoorka Gobolka Saaxil, sida hagar la’aanta ah ee ay isu barbar taageen Mashaariicda dalka iyo dadkaba waxtarka u leh ee ka socda magaalada Berbera. Waxaan bulshada Somaliland ku boorinayaa, in ay la yimaadaan talo midaysan iyo tawfiiq wanaagsan, isuna diyaariyaan maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalkeena ku soo aaddan”.     Ka dib waxa lagu soo noqday guriga Martida oo lagu qabtay kulamo muhiim ah oo ay ka mid ahayd qado sharaf balaadhan oo loo sameeyey madaxda Dp World iyo Masuuliyiintii ka socday dawladaha jaarka gaar ahaan Itoobiya, waxaana madashaa ka jeediyey khudbad muhiima Wasiiru-dawlaha gaadiidka ee itoobiya, (state minister of transport Mr. Abdissa Tedisa), ka dib markii ay xafladaasi soo dhamaatay, waxa waraysi gaara la yeeshay maamulaha Shirkada Dp World Sultan Ahmed bin Sulayem, said Tv Qaranka Somaliland qaybtiisa afka carabiga, ka dibna waxa loo gelbiyey dhinaca garoonka diyaaraha ee Kuwait Terminal of Berbera, oo ay ka dhoofeen weftigaas DP World dalka.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkaa Qoraalka ah ee Madaxtooyada Somaliland naga soo gaadhay.

 

 

 

 

 

Media Release GLOBAL TRADE ENABLER DP WORLD MARKS START OF CONCESSION IN SOMALILAND $442 million project to develop Port of Berbera underway Dubai, United Arab Emirates, 11 May, 2017: Global trade enabler DP World has celebrated its 30-year port concession for the management and development of a multipurpose port project at Berbera, Republic of Somaliland which started on 2 March 2017. H.E. President of the Republic of Somaliland, Ahmed Mohamed Mohamoud and DP World Group Chairman and CEO Sultan Ahmed bin Sulayem were present at a ceremony to mark the occasion and thanked attending government officials and partners for their support at the start a new phase of development for the country. DP World Berbera compliments the company’s investment in Djibouti and will also serve land locked countries in the Horn of Africa. The investment of up to $442 million will consist of two phases, the first being the building of a 400 metre quay and 250,000 square metre yard extension as well as the development of a free zone to create a new regional trading hub. DP World Group Chairman & CEO Sultan Ahmed bin Sulayem, said: “This is part of our vision to act as an enabler of trade and to facilitate growth by helping African countries develop their infrastructure that connects them to global markets. “These are exciting times for our industry and for Africa, and we’re grateful for the opportunity to be an integral part of Somaliland’s development. Investment in this natural deep-water port and free zone will act as a catalyst for the growth of the country and the region’s economy. “I’d like to thank the Government and the People of Somaliland for having the vision to take the necessary steps to allow us to invest in the Port of Berbera. I would also like to thank the Mayor of Berbera and the Governor of Sahil for welcoming the DP World team and making them feel at home.” President of Somaliland Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo, said:” This DP World investment in the Port of Berbera will strengthen the relationship between the Republic of Somaliland and the UAE which existed for many centuries in the past. Additionally, it will bring back and highlight the commercial position and importance of the Port of Berbera as a Red Sea gateway for the Middle East and Africa.” DP World Berbera CEO Ibrahim Al Hammadi, said: “We have found the people of Berbera to be welcoming and industrious and I would like to thank the staff here for their support and enthusiasm as we start our plans to modernise the port and upgrade its facilities. “Our next steps will be to construct a new quay and yard, implement a terminal layout and add new yard equipment. We’re also working on a long term strategic plan for sustainability projects. We look forward to working together with the people of Berbera to restore its historical role as a major trade hub on the Red Sea.” Since beginning operations in early March, DP World has retained all 713 permanent employees and begun training and staff development to prepare them for roles in a modern port. DP World Berbera supports the local community with visits and engagements to 12 local schools, the Fisheries and Maritime Academy and Berbera Hospital. Meanwhile, DP World is working closely with the local government to invest in sustainable solutions tackling water scarcity, having already delivered 4.5 million litres of water to 15,000 local families. -ENDSPhoto Caption: H.E. President of the Republic of Somaliland, Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo and DP World Group Chairman and CEO Sultan Ahmed bin Sulayem at the official opening of DP World Berbera. For DP World media enquiries please contact: Sanaa Maadad Corporate Communications Manager DP World Tel: +971 505522610 sana.maadad@dpworld.com Mike Vertigans Senior Corporate Communications Manager DP World Tel: +971 566769324 michael.vertigans@dpworld.com Follow DP World on: Twitter: https://twitter.com/DP_World LinkedIn: https://www.linkedin.com/company/dp-world About DP World: DP World1 is a leading enabler of global trade and an integral part of the supply chain. We operate multiple yet related businesses – from marine and inland terminals, maritime services, logistics and ancillary services to technology-driven trade solutions. We have a portfolio of 78 operating marine and inland terminals supported by over 50 related businesses in 40 countries across six continents with a significant presence in both high-growth and mature markets. We aim to be essential to the bright future of global trade, ensuring everything we do has a long-lasting positive impact on economies and society. Our dedicated team of over 36,500 employees from 103 countries cultivates long-standing relationships with governments, shipping lines, importers and exporters, communities, and many other important constituents of the global supply chain, to add value and provide quality services today and tomorrow. Container handling is the company’s core business and generates more than three quarters of its revenue. In 2016, DP World handled around 64 million TEU (twenty-foot equivalent units) across our portfolio. With its committed pipeline of developments and expansions, the current gross capacity of 84.6 million TEU is expected to rise to more than 100 million TEU by 2020, in line with market demand. By thinking ahead, foreseeing change and innovating we aim to create the most productive, efficient and safe trade solutions globally. 1 As of April 2017

Togdheernews

Latest News

  • Uruurka Dhalinyarada Gobalada Bariga Ee Halgaan Oo Ku Biiray Xisbiga Waddani
  • Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Taageerayaal ka soo Jeeda Beelaha Dan-wadaago (Gabooye)
  • Madaxweyne Siilaanyo Oo Cafis u Fidiyay Weriye Cabdi Maalik Muuse Coldoon
  • SOMALILAND: Jewiga Madal Ay Il-yartu Is Qabatay Oo Lagu Daah-furay Adeegyada Baanka Premier Bank Iyo Dulucda Khudbadihii Laga Jeediyey Wanqashiisa
  • Madaxwaynayaasha Geelle Iyo Farmaajo Oo Ka Qaybgalay Xaflada Furitaanka Dekada Dooraale ee Jabuuti

Latest Articles

  • Sixir bararka iyo dhaqaalaha somaliland…. WQ: Muuse Cabdi
  • Shaqo la’aan Mise Shaqaale la’aan? Shaqo Abuur !Adam Nokia
  • Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig
  • Tacsi Ku Socota Cabdallah Mohamed Farah ( Jirde) iyo dhamaan reer Mohamed Farah meel ay joogaanba…..
  • Hambalyo iyo bogaadin…

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital