unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Midowga Yurub oo kordhiyay taageerada dhaqaale ee Soomaaliya

Midowga Yurub Ayaa Sheegay Inay Soomaaliya Ugu Yaboohi Doonaan Dhaqaale Gaadhaya Ku Dhowaad $105 Million Oo Doollar, Sida Arbacadii Shalay Laga Soo Xigtay Guddida Yurub.

Bayaankan Ka Soo Baxay Midowga Yurub Ayaa Imanaya Xilli La Qorsheynayo Inuu Dhowaan Brussels Ku Qabsoomo Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya Iyo Midowga Yurub Todobaadka Soo Socda Oo Ku Began 16-17-Ka July.

Guddoomiyaha Midowga Yurub, Christos Stylianides Ayaa Bayaankan Ku Sheegay Inay Deeqdan Lacageed Ugu Tala Galeen Arrimaha Bini’aaddannimada, Sida Dadka Labadii Sano Ee Ugu Dambeeysay Ku Wax Yeelloobay Abaaraha, Fatahaadaha, Iyo Dadka Ay Saameeyeen Shaqaaqooyinka Ka Dhacay Dalka Soomaaliya.

“Waxaan Bartilmaameedsan Doonnaa Bulshada Teeda Nugul, Waxaanan Mudnaanta Siin Doonnaa Dadka Gacan Qabashada Dhabta Ah, Kuwa Ay Saamaynta Ku Yeesheen Is Beddeladii Cimmilada Iyo Kuwa Ku Waxyeelloobay Shaqaaqooyinkii Ka Dhacay Gudaha Soomaaliya” Ayuu Bayaankiisa Ku Sheegay Mr, Stylianides.

Midowga Yurub Ayaa Sheegay Inay Soomaaliya U Qoondeeyeen Sanadkii Hore Gargaar Lacageed Oo Ka Badan Kii Hore, Kaasoo Gaadhaya, 135 Milyan Oo Dollar,Kaasoo Wax Weyn Ka Tari Doona Xaaladda Soo Kabashada Dhibaataddii Ka Dhalatay Abaaraha, Fatahaadaha Iyo Colaadaha.

Latest News

  • “Amarka Hadaan Lakala Qaadanaynin Lawada Joogi Maayo”Badhasaabka Gobalka Sanaag
  • Human Rights Watch Oo Ka Dayrisay Cisbitaaladda Dhimirka Somaliland
  • Madaxwaynaha Galmudug oo ku gacansaydhay Dalab uga Yimid Madaxwayne Farmaajo
  • Israa’iil Oo Falastiiniyiinta Ku Amartay In Ay Dumiyaan Guryahooda
  • Culimada, Xisbiyadda Siyaasada Iyo Qareenada Oo Horyimid Gollaha Guurtida

Latest Articles

  • DUGSIYADA GAARKA LOO LEEYAHAY IYO GANACSIGA WAXBARASHADA W/Q: Cabdifataax Rashiid Maxamed (Arsenal).
  • Wasiir Khaliil iyo Wasiir Sacad oo ku fashilmay
  • Hambalyo Ku Socota Arooska Guuled Yusuf X. Aadan iyo Fadumo Ibrahim Xuseen
  • Sanadkan dad nooceeya ayaynu dooranaa golaha deegaanka iyo Baarlamaankaba?W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
  • Maxey ka Bilaabantey Colaadda Foosha xun ee u Dhexeysa Beelaha Walaalaha ah Deegaanka Ceel-Afweyn Maxaase Udaawo

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital