unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Ethiopia Oo Ansixisay Sharci Ka Dhan ah Hadallada Naceybka

Adis Ababa (Togdheer News )Baarlamanka Ethiopia ayaa Khamiista maanta ah ansixiyay sharci dhigayo in ciqaab adag la dul-dhigi doono dadka ku kaca hadallada naceybka iyo maran-habaabinta ku saleysan.

Ku dhawaad 300 oo mudane oo ka tirsan baarlamaanka Itoobiya ayaa ogolaatay qaanuunkaan, 23 xildhibaan ayaa diidday, halka labo kale ay ka aamustay.

Baarlamaanka ayaa isku raacay in qofki lagu helo hadallada naceybka ku saleysan iyo wararka been-abuurka ah, uu muteysan doono ganaax lacageed oo gaaraya $3,100 iyo xabsi laba sano ah.

Baarlamaanka ayaa ku qeexay hadallada naceybka ku saleysan in noqon karaan, hadallada cunsuriyadda ah ee lagula kaco koox, iyadoo wax laga sheegayo halka ay kasoo jeedaan, jinsiyaddooda, diintooda ama iin ay leeyihiin.

Arrintaan ayay dowladda uga hortageysaa rabshadaha ku saleysan isirka ee kusoo noqnoqday dalka Itoobiya sannadihi dhawaa. Qaanuunkaan ayaa kusoo aaday xilli dalka Itoobiya lagu wado in bisha August ee sannadkaan ay ka dhacaan doorashooyin taariikhi ah.

Latest News

  • Gabadh Muslimad Ah Oo Markii Ugu Horaysay Ka Mid Noqotay Ciidamada Badda Ee Dalka Ustareeliya
  • Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Sheegay In Abbey Axmed Uu Farmaajo Ku Qasbaayo Imaatinka Somaliland
  • “Madaxwaynaha Iyo Shir Gudoonka Labada Gole Waxay Isla Qateen In Farmaajo ..” Xil Ibraahin M. Buuba
  • “Haddii Xamar La Fasaxay Hala soo daayo dadka u xidhan..”Xildhibaan Axmed Afyare 
  • Wefti Ka Socda Xukuumadda Somalind Oo Soo Afjaray Khilaafkii Ka Taagnaa Degaanka Wajaale

Latest Articles

  • MAXAA SOMALILAND FURSAD UGU JIRA SAFARKA MADAXWAYNE BIIXI KU TAGEY ADDIS-ABABA? W/Q Mohamed Abdi Jama  
  • Nidaamkeena cashuuruhu waa mid caddaalad darro ah oo danyarta culays ku ah (WQ: Guleed Axmed Jaamac “Dafac”)
  • Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Gabay Loo Tiriyey
  • XISBIYO/URURO SIYAASADEED QARAN OO DHISAN AYAA XUKUUMAD WANAAGSAN SOO SAARI KARA !!! W/Q Mohamed Dhimbiil
  • Xoog iyo Caadifad Shaqayn Mayso ee waa in la Helo Sharci Lagu Ciqaabo Dadka Somaliland ee u Goosta Soomaaliya Faalo

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital