unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Hay’adda Amnesty Oo Ku Eedeeysay Dowladda Soomaaliya Inay Hanjabaad iyo Cago Juglyan Ku Hayso Xorriyadda Warbaahinta

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa maanta sheegtay inay sii kordhayaan weerarada, hanjabaada, cagajuglaynta iyo cabsi gelinta shaqaalaha warbaahinta Soomaaliya.

Hay’addu waxay diiwaan gelisay inay si xun hoos ugu dhacday xaquuqda xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda tan iyo markii Madaxweyne Maxamed C / llaahi ‘Farmaajo uu xafiiska la wareegay bishii Febraayo 2017.

Waxay sheegtay in saxaafadu weeraro kala kulmeen ururka Shabaab iyo ciidamada amaanka dowladda, sidoo kalena ay kordheen faafreebka iyo qabashada aan sharciga aheyn, iyagoo ku qasbay inay dalka cararaan.

“Suxufiyiinta Soomaaliya waa la hareereeyay sidaasi waxaa yidhi,” Deprose Muchena, oo ah Madaxa Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Ugu yaraan sideed weriye ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu xafiiska la wareegay. Shan ayaa ku dhintey weerarro aan kala sooc lahayn oo ay ka dambeeyeen Al-Shabaab ah. Labo waxaa dishay kooxo aan la garanaynin, mid kalena waxaa toogtay sarkaal ka tirsan booliiska federaalka.

Amnesty International waxay kaloo diiwaangelisay 16 akoon oo Facebok oo hawada laga saaray. 13 ka mid ahi waxaa iska lahaa suxufiyiin, intii u dhaxeysay 2018 iyo 2019.

Amnest waxay ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu qaado talaabooyin deg deg ah si loo hubiyo madax bannaani wax ku ool ah iyo in baaritaan loogu sameeyo eedeymaha ku saabsan xad-gudubyada xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda saxaafadda.

Latest News

  • “1960 Kii AUN Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Xisbi Ayuu Hogaaminayey Adiguna Iminka Laguu Sheegayaa In Siyaasada Ka Qayb Gasho” Cabdikariin Axmed Mooge
  • Wasiirka Biyaha Oo Xadhiga Ka Jaray Ceel-Biyood Cusub Ee Arabsiyo
  • Khilaafka Doorashada Itoobiya Oo Cirka Isku Shareertay
  • Sheekh Cabdiraxmaan Dheere Oo ka hadlay Dhibaatooyinka Maandooriyaha
  • Somaliland Oo Ka Hadashay Heerka Xun Ee Kufsigu Marayo

Latest Articles

  • Madaxweynaha iyo Xisbiyada Waxay Masuuliyadi Ka Saarantahay Cidda Umadda Loogu dhiibayo Golayaasha Wakiillada Iyo DeegaankaW/QXuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)
  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital