unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Qaramada Midoobey Oo Soo Saartay Warbixin ay ka Caroodhtay Israa’iil

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo saaray warbixin in muddo ah laga dhuursugayay oo ku saabsan shirkadaha lala xiriiriyay deegaameynta dadka Yuhuudda ah ay Israa’iil ka waddo Daanta galbeed.

Warbixinta waxay shaaca ka qaaday ilaa 112 shirkadooda oo la sheegay inay ku lug leeyihiin howlaha deegaameynta, haddii ay ahaan laheyd guryaha Israa’iil ay ka dhiseyso Daanta Galbeed iyo howlaha kale ee lagu duminayo dhismooyin ku yaal halkaas.

Waxaan shirkadahaas kamid ah Airbnb, Booking.com, Expedia Group iyo Motorola Solutions.

Falastiiniyiinta waxay soo dhaweeyeen warbixinta Qaramada Midoobey oo ay ku tilmaameen ‘Warbixinta waxay guul u tahay shuruucda caalamiga ah’ halka Israa’iil ay ku tilmaantay ‘mid fadeexo ah’

Ku dhawaad 600,000 oo qof oo Yuhuud ah ayaa ku nool ilaa 140 deegaan oo ay Israa’iil ka sameysay dhulka ay heysato ee Daanta Galbeed iyo bariga magaalada Quddus tan iyo sannadkii 1967-kii.

Waxaana deegaameyntaas lagu sheegay mid sharci darro, sida ku xusan xeerarka caalamka, inkasta oo ay Israa’iil dood ka keentay arrintaas.

Falastiiniyiinta waxay in muddo ah ku baaqayeen in dhulkaas laga saaro Israa’iil.

Latest News

  • Gabadh Muslimad Ah Oo Markii Ugu Horaysay Ka Mid Noqotay Ciidamada Badda Ee Dalka Ustareeliya
  • Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Sheegay In Abbey Axmed Uu Farmaajo Ku Qasbaayo Imaatinka Somaliland
  • “Madaxwaynaha Iyo Shir Gudoonka Labada Gole Waxay Isla Qateen In Farmaajo ..” Xil Ibraahin M. Buuba
  • “Haddii Xamar La Fasaxay Hala soo daayo dadka u xidhan..”Xildhibaan Axmed Afyare 
  • Wefti Ka Socda Xukuumadda Somalind Oo Soo Afjaray Khilaafkii Ka Taagnaa Degaanka Wajaale

Latest Articles

  • MAXAA SOMALILAND FURSAD UGU JIRA SAFARKA MADAXWAYNE BIIXI KU TAGEY ADDIS-ABABA? W/Q Mohamed Abdi Jama  
  • Nidaamkeena cashuuruhu waa mid caddaalad darro ah oo danyarta culays ku ah (WQ: Guleed Axmed Jaamac “Dafac”)
  • Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Gabay Loo Tiriyey
  • XISBIYO/URURO SIYAASADEED QARAN OO DHISAN AYAA XUKUUMAD WANAAGSAN SOO SAARI KARA !!! W/Q Mohamed Dhimbiil
  • Xoog iyo Caadifad Shaqayn Mayso ee waa in la Helo Sharci Lagu Ciqaabo Dadka Somaliland ee u Goosta Soomaaliya Faalo

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital