unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Taliyaha ciidanka Maraykanka Ee Afrika Oo Bosaso kula kulmay madaxweynaha Puntland

Bosaaso (Togdheer News )Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Afrika (Africom) Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku tagay Boosaaso.

Madaxweynaha iyo Taliyaha Taliska Africom Gen. Stephen J.Townsend waxay ka wada hadleen Amaanka Guud iyo la Dagaalanka Argagixisada, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Gen. Stephen J.Townsend, ayaa maalintii shalay booqasho midaan lamid ah ku tagay magaalada Kismaayo, isagoo la kulmay madaxweynaha Jubbaland.

Booqashada taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii uu Maraykanku sheegay inuu dib u bilaabayo taageeradii tooska ahayd ee xagga amniga.

Maraykanka ayaa taageere dhaqaale siiya ciidanka PSF-ta Puntland oo waajibaadkooda ugu weyn uu yahay la dagaalanka argigxisisada.

Latest News

  • Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalka Tanzaaniya oo Muqdisho la keenay (Sawirro)
  • Wasiir katirsan Maamulka Puntland oo saakay ku geeriyooday magaalada Garawe
  • Ciidamada Danab oo soo furtay carruur ay Al-Shabaab si xoog ah uga wateen waalidiintooda
  • “1960 Kii AUN Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Xisbi Ayuu Hogaaminayey Adiguna Iminka Laguu Sheegayaa In Siyaasada Ka Qayb Gasho” Cabdikariin Axmed Mooge
  • Wasiirka Biyaha Oo Xadhiga Ka Jaray Ceel-Biyood Cusub Ee Arabsiyo

Latest Articles

  • Madaxweynaha iyo Xisbiyada Waxay Masuuliyadi Ka Saarantahay Cidda Umadda Loogu dhiibayo Golayaasha Wakiillada Iyo DeegaankaW/QXuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)
  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo¬† Meher Wacan

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital