unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Wafti Ka Socda Dalka Ruuska Oo 38- Sannadood Ka Dib Booqasho Ku Yimi Somaliland,Booqdayna Berbera.

 

Hargaysa(Togdhnews)-Magaalada Hargeysa waxa dhawaan socdaal ku yimid wefti ka socda dalka Ruushka gaar ahaan diblumaasiyiin ka socotay safaaradda uu Ruushku ku leeyahay Dalka Jabuuti.

Weftiga diblumaasiyiinta ah ee soo gaadhay Somaliland ayaa waxa ay la kulmeen wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaana ay booqdeen magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Weftiga ruushka ah ayaa la sheegay in ay booqdeen goobaha muhiimka ah ee magaalada Berbera gaar ahaan dekedda wayn ee Berbera oo haatan ay gacanta ku hayso shirkadda DP World ee dalka imaaraadka carabta.

Weftiga ruushku waxa kale oo ay booqdeen xaafadda Moscow oo ku taalla magaalada Berbera,kana mida Dhismayaashii ay kadhiseen Berbera Islamarkaana Deganaan Jireen Wakhtigii ay ku sugnaayeen.

Ruushka ayaa xidhiidh qoto dheer uu  ka dhaxeeyay dawladii Soomaliya ee uu Hogaamin jiray Siyaad Bare.Ruush1
waxaana magaalada Berbera uu ruushku ku lahaan jiray saldhig millatari iyo goobo kale oo muhiim ah.

Booqashada weftiga ruushka ah ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horraysay ku dhawaad 38 sano kaddib markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dawladda Somaliland kaasi oo ku saabsan booqashada weftigan lamana oga ilaa hadda sababta socdaalkooda.Sidoo Kalena Xukuumada ayaa ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiyaan Socdaalka Madaxda Ruushka.

Togdheernews

Latest News

  • Daawo : Daawo: Ururka Suxufiyiinta SOLJA Oo Soo Bandhitay Wargeysyadii Dalka Ka Soo Bixi JIray Sagaashameeyadii
  • Daawo: Mashruuc Lagaga Gaashaamanayo Abaaraha Soo Noqnoqda Ayaa Laga Furay Burco
  • Daawo : Qaar Ka Mid Ah Madaxdhaqameedka Iyo Waxgaradka Oo Baaq Nabadeed U Diray Bulsshada Deegaanka Dararwey
  • Daawo: Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Sanaag Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Degaanka Dararweyne
  • Daawo : Muddaharaad Balaadhan oo Ka dhacay Degmada Wadaamago ee Gobolka Saraar

Latest Articles

  • Haddii Calafku Kugu Dhaco u Badalo Midho Macaan…”Sheeko Gaaban:- Saddexdii Beerwale.
  • Baaq Nabadeed ,Colaada Ceelawayn…Aqoonyahan Ahmed jaamac saalax
  • Jaalliyadda ku dhaqan dalka Netherlands waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan
  • Waa Maanso la magac baxday KU-TUNTUUNSO,waxaa tiriyey Abwaan YuusuF Roobleh Xirsi (Sandoon)
  • Maxay kaadhka ku qaataan maba ay qadayne. Q1aad Qalinkii Cabdi Caawiye

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital