unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Taliyaha Guud Ee Ciidammada Millatariga Somalia Oo Ka Badbaadey Qarax Ismiidamina Oo Lala Eegtay

Muqdisho (Togdheer News) – Kolonyo uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho, hase yeeshee taliyaha ayaa ka badbaaday.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan isla markaasna loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xooggan ee Degmada Hodan.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in gaariga oo ahaa nooca loo yaqaano saaruf lala eegtay gaadiidka uu watay taliyaha, hase yeeshee ka hor weerarka ay ciidamada rasaas ku fureen gaariga taas oo keentay in uu qarxo, sidaasna qaraxa lafu fashiliyo laguna bad-baadiyo taliyaha.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in taliyuhu uu nabadqabo.. Si kastaba, qaraxan ayaa la sheegay inuu khasaare gaarsiiyey gaari ay la socdeen ciidamo ilaalo u ahaa taliyaha ciidnaka xoogga.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay qofkii waday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabah qarxa iyo haweenay goobta mareysay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adaha Amniga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta dowladda qaraxa kadib ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedkoodu ahaa in ay isaga khaarijiyaan balse ciidamada Ilaalada u ah oo aad u foojignaa ay ka hortageen.

Taliyaha ayaa xilliga uu weerarku dhacay ka hor waxa uu kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga, waxaaa uu ku socday qayb kal eoo ka mid ah magaalada Muqdisho.

  

Latest News

  • Xisbiyada Kulmiye Iyo Wadani Oo Madal Hadalo Kuluul Is Weydaarsaday
  • Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Xilkii U Kala Wareejiyey Isku Duwihii Hore Ee Wasaarada Biyaha Gobolka Gabiley Iyo Isku Duwaha Cusub
  • Xisbiga Ucid Oo Sheegay In Dhalinyar Ku Xidhan Yihiin Berbera
  • Qaar Ka Mida Ardeyda Ka Baxday Dugsiga Gacan-Libaax Oo Dayactir Ku Samaysay Dugsigaasi
  • Hudheel Cusub Oo La Magac Baxay Isoo Mar Ayaa Laga Furay Gebilay

Latest Articles

  • Madaxweynaha iyo Xisbiyada Waxay Masuuliyadi Ka Saarantahay Cidda Umadda Loogu dhiibayo Golayaasha Wakiillada Iyo DeegaankaW/QXuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)
  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital