unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Guddida Doorashooyinka oo soo saaray jadwalka qaybinta kaadhadhka codbixiyaha ee Gobollada Awdal iyo Saaxil

Hargeysa (Togdhnews)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka xog-waramay hawlaha shaqo ee la isugu diyaarinayo qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay qabsoonto 13 November 2017, haddii Ilaahay yidhaah, iyadoo qaybinta kaadhadhku ka bilaabmayso gobollada Awdal iyo Saaxil 29 bishan lagu jiro ee April.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed lagu faafiyey website-ka Komishanka Doorashooyinka ee SLNEC.COM oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, waxa lagu soo bandhigay jadwalka bilawga qaybinta kaadhadhka ee degaannada Awdal iyo Saaxil.

“Komishanka Doorashooyinka Qaranku (KDQ) wuxuu jecelyahay inu dhammaan bulshada Somaliland la socodsiiyo halka ay marayaan shaqada diyaar garowga kaadh-qaybinta codbixiyayaashu. Sidaad la socotan 28th Mar 2017, Guddida Doorashooyinku wuxuu daabacay jadwalka kaadh-qaybinta Gobollada Somaliland iyo bilowga kaadh-qaybinta ee labada gobol ee ugu horeeyay, laga soo bilaabo maalintaas, waxa Komishanka Doorashooyinka wuxuu fulinayay jadwalkiisa shaqo oo ah mid sidii loogu talogalay u socda.

Shaqada kaadh-qaybintu waa arrin sharciya oo ay sheegayan qodobada 11aad iyo 39aad ee xeerka diiwaangelinta muwadiniinta iyo codbixiyayaashu Xeer Lr 37/2007, waana shaqo aad muhiim u ah si loo hubiyo in muwaadin kasta oo inuu codkiisa bixiyo isku diiwaangeliyey uu helo wakhti uu ku sixi karo macluumaadkiisa, sida magacyadiisa, goobta codbixinta iwm, isla markaana muwaadin kasta uu si sax ah maalinta doorashada codkiisa u dhiiban karo, intaas kadibna qof kasta qaato kaadhkiisa codbixinta muddada ay socoto soo bandhigidda liistooyinka iyo qaadashada kaadhadhka codbixintu,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Waxayna intaas ku dareen; “Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa u qabsoomay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin;

 

  1. Komishanka Doorashooyinku wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay Jaamacadaha Cammuud ee Boorama, Jaamacadda Culuumta Badda iyo Kalluumaysiga iyo Jaamacadda Golis ee Berbera, Guddida Doorashooyinku isaga oo kashanaaya Jaamacadahaasi wuxuu dhammaystiray shaqaalaynta ardayda ka hawlgeli doonta kaadh qaybinta Gobollada Awdal iyo Saaxil
  2. Toddobaadkan Komishanku wuxuu heshiisyo wadashaqayn ah la galay in ka badan 13 Jara’iid, 14 TV, iyo hal Idaacad (Radio Hargeysa) si ay farriimaha kaadh qaybinta iyo soo bandhigida liistoyinka hordhaca ah ugu gudbiyana bulshada, isla markaana uga haqabtiraan dhammaan farriimaha muhiimka u ah shaqada Komishanka Doorashooyinka. Laga so bilaaabo 1st April 2017 dhammaan bulsho weynta Somaliland waxay helayeen farriimaha Komishanka Doorashooyinka oo ka baxaya dhammaan noocyada kala duwan ee warbaahinta iyo baraha warbaahinta Guddida Doorashooyinka. Sida oo kale dhawaan waxa Komishanka iyo Hay’adaha iyo Ururada aan dawliga ahayn ee la shaqeeya bilaabi doonan wacyigelin aad u qoto-dheer oo gaadhi doonta goobkasta oo diiwaangelineed, si dhammaan muwadiniinta isdiiwaangeliyay u qaatan kaadhka codbixinta
  3. Maanta Komishanka Doorashooyinku wuxuu kala diraya 8 kooxod oo soo qiimayn doona in ka badan 150 goobood oo ay ka dhici doonta kaadh qaybinta codbixiyayaashu, shaqadan oo socon doonta inta u dhexaysa 12th April 2017 – 18th April 2017. Muddada ay shaqada ku guda jiraan koxahani waxay bulshada ku wacyegelin doonaan bilowga kaadh qaybinta.
  4. Komishanka Doorashooyinku wuxuu kulama isdaba joog ah la yeeshay Xukuumadda Somaliland, Xisbiyada Qaranka iyo Daneeyayaasha arrimaha Doorashooyinka Somaliland si la iskaga waraysto habsami-u-socodka shaqada Komishanka, gaar ahaan kaadh qaybinta, Komishanku wuxuu joogtayn doonaa la shaqaynta daneeyayaasha kala duwan ee arimaha Doorashooyinka Qaranka.

 

Jadwalka Kaadhqaybinta Gobolada Awdal iyo Saaxil

S/No Shaqada Muddada(Maalmo) Bilowga Dhammaadka Goobaha
1 Soo bandhigida liistoyinka  iyo qaybinta kaadhadhka codbixinta  Goobaha miyiga ah 5 29th April 2017 3rd May 2017 Dhammaan Goobaha Miyiga  Awdal, Saaxil iyo Xeebaha Sanaag
2 Soo bandhigida Liistooyinka iyo qaybinta kaadhadhka codbixinta goobaha magaalooyinka  

7

 

29th April 2017

 

5th May 2017

Dhammaan Gobaha Caasimadaha Gobolka  – (Magaalooyinka Berbera and Boorama )
3  

Muddada dheeriga ah ee Degmooyinka

 

14

 

6th May 2017

 

19th May 2017

Xafiisyada Degmooyinka oo kaliya = Saylac, Lughaya, Baki and Sheekh
4 Muddada dheeriga ah ee Caasimadaha Gobollada  

14

 

8th May 2017

 

21st May 2017

Gobo kooban oo ah Caasimadaha Gobollada (Berbera iyo Boorama)

Waxaannu aad u jecelnahay inaan dhammaan muwaadiniinta isdiiwaangeliyay, gaar ahaan Gobollada Awdal iyo Saaxil iyo xeebaha Sanaag ugu baaqno inay qaatan kaadhadhkooda codbixinta muddada ay socoto kaadh qaybintu, kana fogaadaan dhammaan ficilada sharciga baal marsan.

Waxaannu sii wadi doona inaanu bulshada kolba ku wargelino halka shaqada Komishanka Doorashooyinka Qaranku marayso toddobaadkiiba hal mar,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Latest News

  • Daawo: Bandhiga Buugaagta Caalamiga Ah Oo Laga Daahfuray Magaalda Hargeysa
  • Daawo : Saddexda Xisbi Qaran Oo Baaq Nabadeed U Diray Bulshada Degmada Ceelafweyn
  • Daawo: Hargeysa Xisbiga Ucid Oo Mahadnaq U Diray Gudiyada Doorashooyink iyo Anshax Wanaaga
  • Daawo: Duqa Magaalada Boorama Oo Dhagax Dhogay Laba Waddo
  • Daawo: Masuuliyiin Ka Xidhnaa Xisbiga Waddani ee Gobolka Togdheer Oo Xorriyadoodii Dib u Helay

Latest Articles

  • Waa Maanso la magac baxday KU-TUNTUUNSO,waxaa tiriyey Abwaan YuusuF Roobleh Xirsi (Sandoon)
  • Maxay kaadhka ku qaataan maba ay qadayne. Q1aad Qalinkii Cabdi Caawiye
  • Gobolka Sanaag: Degaankii Tafiirta iyo Dhaqaalaha
  • Showgii Qarni iyo Sahra Axmed Jaamac
  • Ajnabigii Muwaadinka Ka Waddanisanaadaay!

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital