unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Qaybo Kamida Tariikh Nolaleedkii Hogaankii Tababarka Ciidanka Xeebaha Somaliland

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ‎

Allah yarxam, marxuum Lt colonel: C/wali C/laahi Warfaa, madaxii hogaanka tababarka ciidanka ilaalada xeebaha jamhuuriyadda Somaliland oo shil baabuur ku geeriyooday 13/4/2018.

 Shalay (geeridiisa ka hor) waxaan ka fikirayey hawl uu Addis ababa uga baahnaa, sidaan u fulin lahaa, imika na naxdinta geeridiisa ayaan maankayga ka guuxaysa.

يدفن ا  بعضنا   بعضا    وتمشي   ***   أواخرنا    على    هام    الأوالي

QAAR BA QAAR AYEY AASAYAAN, KUWEENA KALE NA WAYNU SOCONAYAA… Abu Dayyib Al-mutanabi.

Gaadhiga uu shilka ku galay landcruiser CIX cadaan ah, ayaa isna xasuustiisa leh oo aanu in badan ku wada safarnay.

 Marxuum C/wali wuxuu ahaa sarkaal ku tilmaanan, sifooyinka wanaagsan ee hogaamiye looga baahan yahay (qualities of leadership) ; maskax furan oo fikir badan, karti, firfircoonaan, geesi, deeqsi abaabulka iyo qaban-qaabada ku fiican, taas oo uu ku mutaystay dabayaaqadii 2015 in hal mar laba darajo la dalacsiiyo ( Kabtan ilaa G/le dhexe).

Waxa uu wax ku bartay dalka gudiisa iyo dibediisa ba isagoo tababaro la xidhiidha shaqadiisa ku soo qaatay dalka Britain sanadkii 2013.

Waxa uu xilal ka duwan ka soo qabtay ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ilaa bilawgiisa; wuxuu muddo dheer ahaa taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha galbeedka ee saldhigeedu yahay magaalada Somaliland ugu da’ weyn ee Saylac, imika wuxuu ahaa madaxa hogaanka tababarka CIX, waxa uu waqti badan galiyey siduu kor ugu qaadi lahaa, aqoonta iyo tababarka CIX, waxa uu iga la tashaday dejinta manhajka tababarka CIX.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha jamhuuriyada Somaliland waxay ku guulaysteen, inay xeebaha S/land ee badda cas ka badbaaddiyaan; budh-cad badeedka, kaluumaysiga sharci-darrada ah, in xeebaha Somaliland lagu aaso sunta halista ah ee wasakhda hadhaaga hubabka wax gumaada, sidoo kale waxay heegan ugu jiraan in xeebaha Somaliland kasoo dagaan ama kaga soo duulaan cadaw halis gelin kara Somaliland, iyadoo dagaalo qadhaadhi ka socdaan dalka aynu badda cas la wadaagno ee Yemen.

اللَّهُمَّ اغْفِرْ لَهُ وَارْحَمْهُ وَاعْفُ عَنْهُ وَعَافِهِ وَأَكْرِمْ نُزُلَهُ وَوَسِّعْ مُدْخَلَهُ وَاغْسِلْهُ بِمَاءٍ وَثَلْجٍ وَبَرَدٍ وَنَقِّهِ مِنَ الْخَطَايَا كَمَا يُنَقَّى الثَّوْبُ الأَبْيَضُ مِنَ الدَّنَسِ وَأَبْدِلْهُ دَارًا خَيْرًا مِنْدَارِهِ وَأَهْلاً خَيْرًا مِنْ أَهْلِهِ وَزَوْجًا خَيْرًا مِنْ زَوْجِهِ وَقِهِ عَذَابَ الْقَبْرِ وَعَذَابَ النَّارِ

Qore, Gaashaanle: Saciid Aadam Cabdi ….. Addis ababa

Latest News

  • Warbixin: Ardayda Ka Qalinjabisa Jaamacadaha Iyo Qorshe La’aanta Xukuumadda
  • Madaxwayne Farmaajo oo Warbixino Ka Dhagaystay Xubnaha Gollaha Wasiiradiisa
  • Maamulka Dawladda Hoose Ee Burco Oo Sheegay In aanu Shaqayn Mashruucii GPLG.
  • Daladda SONSAF Oo Ku Baaqday In Xal Laga Gaadho Muranka Xisbiyadda
  • Somaliland Oo Beenisay In La Xidhayo Xuduudka Somaliland Iyo Itoobiya

Latest Articles

  • WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO (WQL) Muhamed Dhimbiil
  • SU’AAL DADWEYNOOW?
  • WARQAD FURAN !
  • Fadeexada Ka Dhalatay, Kala Eexaysiga Madaxweyne Muuse Ee Jaamacada Inaadeerkii Iyo Jaamacada Burco. W/Q: Ibraahin Aadan Aw Qoobey
  • Af duubkii Dimoquraadiyadda Somaliland, Qore: Casha Miigane

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital