unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Qaramada Midoobay Oo Ugu Baaqday Dalalka Khaliijka Inay Ixtiraamaan Xuquuqda Muwaadiniinta Qatar

Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Zeid Ra’ad Al Hussein ayaa sheegay in uu ka walwalsanyahay saameynta xun ee suuragalka ah ee ku aadan go’doominta diblomaasiyadeed ee Qatar, isagoo ka digay inuu u horseedi karaa dhibaato baahsan dadka caadiga ah.
“Zeid Ra’ad Al Hussein ayaa sheegay in dad badan uu saamayn doono go’aanka Saudi Arabia, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Bahrain inay xiriirka diblumaasiyadeed iyo dhaqaale u jarto Qatar,” ayuu ku sheegay war qoraal ah.
Afarta dalalka, kuwaas oo ku tilmaamay daraasiin dad ah iyo hay’adaha ku salaysan Qadar inay xiriir la leeyihiin argagixisada, waa in ay ixtiraamaan xuquuqda muwaadinka, ayuu sheegay Zeid.
“Waxaa cad in tallaabooyinka ballaadhan ee baaxadda leh oo ay fuliyeen dalalkan, in ay si dhab ah u carqaladayneso nolosha kumanaan haween, caruur iyo rag ah, sababtoo ah waxay ka tirsan yihiin mid ka mid ah dalalka ku lugta leh khilaafka, “ayuu hadalkiisa raaciyay

Latest News

  • Madaxa dhaqameed ka Soo Jeeda Awdal Oo Gawaadhi ku Wareejiyay Xisbiga Wadani
  • Komishanka Oo Wax Ka Badel Ku Sameeyay Jadwalkii Ololaha Doorashada
  • Daawo: Isku soo bixii Taageerayaasha Xisbiga Wadani Burco
  • Madaxda Ciidanka Malatariga Somaliya Iyo Kuwa Amison oo Kulan Ay yeesheen kaga Hadlay Iskaashiga Labada Ciidan
  • Daawo: Xisbiga Wadani oo Isusoobixii ugu Baladhnaa Ka Dhigay Hargaysa.

Latest Articles

  • Wasiir Cali Marexaan Waxa ku Waajib ah,inuu Xaal Ka Bixiyo Arrintii Foosha Xumay
  • Muj Ahmed Mire oo tacsi u diraaya qoyskii iyo shicibka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum C/raxmaan Maxamed Maxamuud Talyanle
  • Oromada Miyaa Laga Barakiciyay Somaliland Mise Dalkoodii Ayaa Lagu Ceshay?
  • Ma Dhabaa Inuu Muuse oo kaligii ah uu ka soo Dagay garoonka diyaarahada magaalada hargeysa +Cidna Soo dhaween Iyo Xogaha Duwaan W/Q faarax jaamac
  • Oromada iyo Soomaalida Qaad wax ka weyn ayaa ka dhexeyaa!

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital