unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe

Mudane Axmed Max’ed Islaam Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa, isagoo dhinaca kale ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay dowladda dhexe oo ay ugu danbeeysay taliyeyaashii dhawaan lasoo magacaabay.

Madaxweynaha oo ay garoonka kusoo dhaweeyeen Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland, gudoonka Baarlamanka, wasiirro, xildhibaanno iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka uga hadlay arimo kala duwan.

Dowladda ayuu ku eedeeyay in ay hareer mareeyso heshiisyo ay hore ula gashay dowlad goboleedyada, isagoo xusay in loo baahanyahay in tallaabooyinka la qaadayo ee dhanka amniga ah laga talo galiyay madaxda dowlad goboleedyada.

Latest News

  • Qaramadda Midoobay oo war Kasoo Saaray Saldhiga Berbera
  • Jabuuti: Shirka isticmaalka Aqoonta Casriga ah ee Teknoolajiyadda oo Lasoo Gabagabeeyay
  • Jabuuti oo soo dhaweysay cunaqabateyntii laga qaadday Eritrea
  • Shirkadda Telesom, oo ku guuleystay Abaalmarinta Teknoolajiyadda Africa
  • Ra’iisal wasaare Khayre oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socda Gudida Badbaadda Ee IRC

Latest Articles

  • Maamul Xumo baahsan oo hadhaysay Gobolka Daadmadheedh iyo Badhasaabkii ugu liitay Badhasaabadii soo maray gobolka oo uu ku iloobay Madaxweynuhu.
  • XAQ DARO XALKEEDU ADKAAN DOONO (XADHIGA AXMED CADIB)
  • WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO (WQL) Muhamed Dhimbiil
  • SU’AAL DADWEYNOOW?
  • WARQAD FURAN !

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital