unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Madasha Xisbiyada Qaran oo qoraal kulul ka soo saartay arrinta ra’iisul wasaaraha dalbatayna 3 qodob

Muqdisho (Togdheer News) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir ay isugu yimaadeen ku soo saaray war-murtiyeed la xiriira xaaladda siyaasadeed ee wadanka, waxeyna si weyn dhaliil ugu soo jeediyeen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajao.

Madasha Xisbiyada Qaran waxey madaxweyne Farmaajo ku eedeyeen ku tumasho Dastuur KMG ah ee JFS, cuuryaaminta shaqooyinka Baarlamaanka, sidoo kalana uu meesha ka saaray xukuumadii shaqeyneysay.

Qoraalka Madasha oo waxyaabo badan lagu soo hadal qaaday, waxaa sidoo kale ku jirtay in madaxweynaha lagu eedeeyay inuu sameeyay Jaha-wareer siyaasadeed iyo khilaafaad dabo dheeraaday.

Waxaa intaas sii dheer in kaligii talisnimo ay u arkaan inaan muddo 50 Maalmood ka badan la magacaabin ra’isul wasaare cusub, sidoo kalana aysan dastuurka meelna uga qorneyn magacaabista kusime ra’iisul wasaare.

Madasha ayaa sidoo kale sharci darro ku tilmaamtay magacaabista sii hayaha ra’iisul wasaaraha iyo sharciyada ay ansixiso xukuumadda xil gaarsiinta.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sidoo kale soo jeedisay saddex qodob oo ay dooneyso in la fuliyo

HALKAAN KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA MADASHA

Latest News

  • Addis Ababa: Saraakiil Ka Tirsan Xisbiga Xukuma Dalka Ethiopia Oo La Xidhxidhay
  • Dawladda Hoose Ee Qardho Oo Shirkad Cusub Ku Wareejisay Nadaafada Magaaladda
  • Ujeedada Shir Magaaladda Hargeysa Ku Dhex Maray Somaliland Iyo Ethiopia
  • Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Sanaag Oo Ka War Bixiyay Nabadeynta Beelaha Walaalaha Ah Ee Colaadu Ku Dhex Martay Deegaanka Shidan
  • Baladweyne: Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabeelle Oo Kulan La Qaatay Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Somaliya

Latest Articles

  • Madaxweynaha iyo Xisbiyada Waxay Masuuliyadi Ka Saarantahay Cidda Umadda Loogu dhiibayo Golayaasha Wakiillada Iyo DeegaankaW/QXuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)
  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital