unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo Shaaciyey Sababta uu Uga Dhex Muuqan Waayey Xafladaha Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Togdhnews)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa shaaciyey sababta uu uga dhex muuqan waayey xafladaha taageerada xisbiga KULMIYE ku qabsado dalka.

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa si toos ah uga ka hadlay xidhiidhka uu la leeyahay murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi, digreetooyinka isku shaandhaynta ee aan isaga saamaynta ku yeelan muddada toddobada sanno ah ee Madaxweyne Siilaanyo xilka hayey iyo sharciyadda heshiisyada shirkadaha shidaal-baadhista ka wada Somaliland.

Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo suxufiyiin ka hawlgala warbaahinta dalka waydiiyeen su’aalo kala duwan kadib shir uu kaga qaybgalay Hargeysa shalay oo lagaga hadlayey siyaasad loo sameeyo maamulka dhulka ee dalka, ayaa waxa la waydiiyey sababta uu uga dhex muuqan waayey xafladaha KULMIYE iyo sida uu yahay xidhiidhka u dhexeeya Murrashaxa Madaxweynaha xisbigaasi, waxaannu ku jawaabay, “Horta siyaasadda anigu kuma badni telefishannada iyo meelaha laga hadlo, masuuliyad culus baan u hayaa dalka, hawshaa ka midho-dhalinteeda ayaan waqtigayga ku lumiyaa, dabcan haddaad masuul ama wasiir tahay siyaasi waad tahay, laakiin siyaasadda nin waliba si buu u dhigaa oo nina waa nin aad uga muuqda fagaarayaasha siyaasadda, nina si dabdan buu u wadaa, balse wasiir baan ahay oo siyaasina waan ahay xisbina waan ka soo jeedaa.”

“Guddoomiyaha KULMIYE aad iyo aad baanu isugu fiicanahay, xisbigana ka mid baan ahay oo xubin baan ka ahayn, waqtigeeda marka la gaadho ololaha, maanta olole kuma jirno oo nidaam baa inoo yaala, marka waqtiga ololuhu yimaado way furnaanaysaa inaad siyaasad iyo olole gasho oo markuu yimaado waa la galayaa, laakiin maanta arrimo aad u culus iyo duruufo aad u adag baa dalka ku gadaaman oo abaartu kow ka tahay,” ayuu yidhi.

Mar kale waxa la su’aalay sababta keentay in mar walba laga reebo isku shaandhaynaha Madaxweynuhu ku sameeyo xukuumaddiisa, waxaannu yidhi, “Arrinta isku shaandaynta horena waa la ii waydiiyey aniga iyo wasiirrada kale ee xukuumadda ku jiraaba madaxweynaha ayaa xaq u leh xilli kasta in kuu doonayana soo galiyo ka uu doonayana meesha ka saaro, laakiin aniga waxa Madaxweynuhu ii beddeliwaayey waxaan qabaa maaha reernimo ee waxaan u arkaa in shaqadaydii uu Madaxweynuhu ii igmaday in aan ka soo baxay.”

Waxa kaloo Wasiirka Macdanta iyo Tamartu ka hadlay heshiisyada wasaaraddiisu la gasho shirkadaha shidaalka ka baadha dalka oo aan la horgeyn Golaha Wakiillada, iyadoo xildhibaanno ka tirsan aqalkaasi dhawaan sheegeen in heshiisyada shidaal-baadhistu yihiin sharci-darro.

“Heshiisyada shidaal-baadhistu waa heshiisyo ganacsi, heshiisyada uu qorayo dastuurku in la horgeeyo Baarlamanka waa heshiisyada caalamiga ah, laakiin kuwani waa kuwo ganacsi oo lala galay shirkado batrool, waxase ku qoran dastuurka haddii heshiisyadu culays maaliyadeed keenayaan waa in la geeyo xeer-dejinta, culays maaliyadeed oo aynu innagu gashanaynaa ma jirto ee waa lacagtaa shirkadaha ajaanibku ku khamaarayaan oo hadday wax helaana aynu la qaybsanayno wixii soo baxay hadday wax waayaana ay halkaa ka baxayaan, markaa haddii aynu u aragno in heshiisyadan loo baahan yahay inay golaha horyimaadaan Shirguddoonka Golaha Wakiilladu xaq buu u leeyahay inuu Madaxweynaha u soo qoro waraaq oo uu dalbado heshiisyadaa, annagu heshiisyadaa wax allaale iyo wixii xeer-dejintu naga waydiinayso oo aan mar, laba iyo saddex toona ahayn xaq bay u leeyihiin inay xilli kasta noo yeedhaan, in badana waanu u tagnay oo waanu uga warranay, waxay doonayaan inay ka ogaadaana way ka ogaanayaan, laakiin anigu ma qabo oo heshiisyadaasi maaha kuwo caalami ah oo dawlado galayaan ee waa heshiisyo ganacsi, kuwaasna waxa masuul ka ah xukuumadda ee maaha xeer-dejinta,” ayuu yidhi Md. Xuseen Cabdi Ducaale.

 

Latest News

  • Wasiirka Macdanta Tamarta. Somaliland. Oo Eedaymo. Culus loo jeediyay
  • Daawo: Badhsaabka Togdheer oo Ka Warbixiyay Hawlgalo Ciidanka Aminiga Ka Wado Gudaha Burco
  • Shaqaale Ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Oo Mushahar la,aan Ka Cabanaya.
  • Siyaasi Si Weyn u Cambaareeyay Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.
  • Dawlada Ingiriiska Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Dalkaas.

Latest Articles

  • Dooda xisbiga kulmiye ee leh isbadal shaqsi iyo mid siyaasadeed ayaanu idin wadnaa shacabow.
  • DURUUFAHA HAYSTA XEEBAHA IYO GUBANKA BARIGA BERBERA
  • Isbedelada Sumaysan Ee Dalka Ka Dhacay 7-dii Sano ee Xukuumada Kulmiye
  • Afar kalmadood oo dadka Somalida ah ku adag in ay yidhaahdaan! W/Q.Khadar Aar
  • Muraabaxada Baananka Islaamiga ah ma ribaa ku walaaqan. (Qaybtii 3aad)

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital