unnamed
Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

“Madaxweyne Muuse Wuxuu Ka Badheedhay Xuquuqda Inaga Maqan Iyo Mawqifkeena..” Siyaasiga Cabdi Haybe

Hargeysa(Togdheer News)Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland, xilligana ka mid ah hoggaanka Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu tilmaamay inuu soo jeediyey khudbad qiimo badan oo garnaqsi ah.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Shirkii wada-hadallada ee lagu qabtay Dalka Jabuuti, ee loo qabtay Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu ahaa taariikhi, maxaa yeelay Madaxweyne Muuse Biixi xuquuqda inaga maqan iyo mawqifkeena ayuu ka badheedhay, marxaladihii aynu soo marnay, midnimadii aynu la midawnay Soomaaliya, iyo sidii maatideena loo galay ayuu si xeel-dheer uga xog warramay, markaas Madaxweynaha waxaan leeyahay Madaxweyne waan kugu hambalyeynayaa sida qiimaha badan ee aad u garnaqsatay iyo sida aad u soo bandhigtay mawqifkeena, iyo waliba dardaaranka aad siisay Guddida farsamada, sidaas darteed Caalamka waxaanu leenahay waa inaad ka garawdaan garnaqsiga uu Madaxweynaha Somaliland ku soo bandhigay Shirkii wada-hadallada oo waa inaad na siisaan wax kasta oo aanu xaq idiinku leenahay”.

Cabdi Haybe waxa kale oo uu sheegay “Waxaa jiray marar badan oo ay Somaliland iyo Soomaaliya wada-hadleen, laakiin inta jeer ee labada dal wada hadleen, waxaa jabiyey wixii lagu heshiiyey Soomaaliya, marka la isku eego laba dalna waa laba dal oo aad u kala fog, maxaa yeelay xaaladda jahaweerar ee ka jira Soomaaliya iyo nidaamka ka jira Somaliland islama jaan-qaadi karaan, islamana keeni karaan, ee waxaan anigu odhan lahaa Soomaaliya laba dal oo jaar ah aynu ahaano

Latest News

  • “Ina kaahin wuxuu yidhi yidhi Afar Askari ayaa ki dhintey Mudaharaadkii, Miyaad aragten
  • Doorasho Aan Heshiis lagu Hayn Kama Dhacayso Dalka” Siyaasi Cadaani.
  • “Waxay Sheegeen In Ay Ku Socdeen Wasaaradda Waxbarashada Somaliya”Wasiir Fiqi
  • Faransiiska oo Laydhka ka Bakhtiinaya Xafiisyada iyo Meheradaha Ganacsiga
  • Ingiriiska & ururka SOLJA oo ka walaacsan xaaladda saxaafada Somaliland oo xadhig joogto ah wajahaya

Latest Articles

  • Maxay Habluhu Ku Doortaan Barashada Shareecada Islaamka ”Barnaamijka Arimaha Haweenka”
  • ” Imika waxa jira nin aan wadaad ahayn oo barta Qur’aanka halkaasna ka jaasaya”
  • Sheekada wiil iyo Aabihii oo gabadh kaliya wada shukaansaday. “Muuse cali faruur”
  • Fariin ka timi Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda.
  • Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa Bogaadiyay Dugsiga Kuwaydiga iyo Hay’adda Al Raxma

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2022 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital