unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Xisbiga Kulmiye Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saaray Shil Gaadhi Oo Maanta Ku Yimi Mid Ka Mid ah Baabuurtii ay wateen.

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo beryahanba socdaal shaqo ku jooga Gobolka Togdheer  ayaa maanta kormeer shaqo ugu baxay deegaanno ka tirsan Hawd.

gobolka oo ay u kuurgalayaan xaaladaha kala duwan ee nolosha dadka iyo hawsha qaadashada kaadhka codbixinta oo hadda gashay wejiga labaad ee labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer.

Haddaba, intii weftigu ku gudo jiray socdaalkaasi maanta waxa dhacay shil baabuur, kadib markii uu dhacay mid ka mid ah gaadiidka weftiga KULMIYE xilli ay marayeen inta u dhaxaysa deegaannada Balanbaal iyo

Nasiye ee hawdka Gobolka Togdheer, iyadoo nasiib-wanaag aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaasi, marka laga yimaado

khasaare burbur gaadhay baabuurka dhacay iyo qalabkii saarnaa. Guud ahaan waxa nabad qaba oo aanay wax dhib ahi soo gaadhin afar qof oo saarnaa baabuurka dhacay oo kala ah; Guddoomiye-ku- xigeenka

Garabka Haweenka KULMIYE ee heer qaran Marwo Dalays Shire Faarax, Mr. Jaamac Xaaji Axmed oo ka mid ah Golaha Dhexe ee

Xisbiga, sawir-qaade Ibraahim Cabdiqaadir Ibraahim (Ibraahim Eagle)

iyo darawalkii waday baabuurka, kuwaas oo hadda ku sugan magaalada

Burco. Shilkaasi sahalka ah kadib waxa weftiga murrashaxa Madaxweynaha ee

xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi halkiisii ka sii ambaqaaday scodaalkii uu ku marayey deegaannada Nasiye ee ka tirsan Gobolka Togdheer oo martiqaadyo casuumado ah iyo xaflado

taageero ah loogu sameeyey. Waxa kaloo xisbiga KULMIYE ugu baaqayaa muwaadiniinta reer

Somaliland ee ku dhaqan gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex ee hore isu-diiwaangeliyey inay si buuxda u qaataan kaadhkooda codbixinta oo

ay ka faa’iidaystaan muddada kooban ee ka hadhay waqtiga Komishanka Doorashooyinku u cayimay kaadh-qaadashada si ay codkooda ugaga qaybqaataan doorashooyinka soo socda ee Somaliland oo aanay u lumin xuquuqdooda

ALLAA MAHAD LEH.

Cali Jaamac Maxamed

_________________________________

Madaxa Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

Latest News

  • Barmaamij Su,aalo Iyo Jawaabo Diini ah Oo La Waydiinay Sh.Berberaawi.
  • Qaybo Ka Mida Taariikh Nololeedkii Marxuun Axmed Yaasiin Gabay Xaddi Oo Boobe Ka Hadlay
  • Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Ayaa Gaadhay Magaalada Muqdisho
  • Musharraxii M/ Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani Oo Hambalyeeyay Taageerayaashii Isbedel Doonka
  • Alle Haw Naxariistee Marxuun Axmed Yaasiin Gabay Xaddi Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Hargaysa

Latest Articles

  • Maansada ..Ahmed M. Adam (Doob baje) Toronto, Canada
  • Dallada SSE oo Dhambaal Hambalyo ah u Direysa Madaxweynaha la Doortey
  • Dallada SSE oo Dareen Taban ka Muujisey Shaqaaqada Ka Dhacdey Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco
  • Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).
  • Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour? Taageerayaashii iyo asaasayaashii waddanka yuhuuda. Maxamed Ibrahim Saleban

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital