unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

fanaaniin iyo Jilaayaal caan ah oo shaaciyay inay joojinayaan isticmaalka Facebook

Fanaanadda caanka ah ee lagu magacaabo Kim Kardashian West iyo toboneeyo kale oo ah dad caan ah ayaa ku dhawaqay inay joojinayaan isticmaalka cinwaanadooda baraha bulshada taasi oo ay uga cabanayaan faafidda ” naceybka, borabagaadada iyo wararka beenabuurka “waxaa sidaasi bayaan ay soo saartay ku sheegtay Kardashian West.

Tallabadani ayaa qeyb ka ah ololaha Jooji naceybka oo ay soo qabanqaabiyeen dadka u ololeeya arrimaha bulshada.

Dadkan caanka ah oo ay ka mid yihiin fanaaniinta iyo jilaayaasha ayaa isticmaalka baraha bulshada joojin doona muddo 24 saacadood ah maanta oo Arbaca ah.

“Iskama fadhin karo oo kama aamusi karo iyada oo shirkadaha baraha bulslahad ay aqbalayaan faafinta naceyb iyo warar been abuur ah,” ayay tiri fanaanada Kardashian West.

“Wararka been abuurka ah ee lagu daabaco baraha bulshada waxay saameyn ku yeelanayaan doorashooyiinkeena islamarkana waxay minjaxabinayan dimuqraadiyadeena,” ayay intaa ku dartay.

Dadka kale ee caanka ah ee aqbalay inay ka qeyb qaataan qaadacaadan ayaa waxaa ka mid ah jilaayaasha kala ah Leonardo DiCaprio, Sacha Baron Cohen iyo Jennifer Lawrence, iyo sidoo kale fanaanada Katy Perry.

“Iskama fadhin karo iyada oo barahani bulshada ay iska indha tirayaan kooxaha iyo qoraalada fidinaya naceybka iyo wararka been abuurka ah,” waxaa sidaasi barteeda Instagram ku qortay Perry.

Jilaaga Ashton Kutcher, oo ay ku xiran yihiin malaayiin qof ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya joojinta isticmaalka baraha bulshada isaga oo sheegay “Aaladahan looma dhisin in naceyb iyo rabshado lagu faafiyo “.

lolaha jooji naceybka oo xarigga laga jaray bishii June, ayaa waxaa uu ku eedeeynayaa shirkadaha Facebook iyo Instagram in aysan wax ka qaban khudbadaha naceybka iyo wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo barahani bulshada.

Shirkadda Facebook iyo shirkadda Instagram oo uu isla hal shaqsi leeyahay ayaa waxaa dhaqaala badan ka soo galaa xayiisiinada.

Sanadkii anau soo dhaafnay ayaa la sheegay in labadani shirkadooda ay heleen dakhli dhan a $70bilyan.

Madaxda shirkada Facebook ayaa waxaa ay dhankooda marar badan balanqaadeen inay wax ka qaban doonaan hadalada naceybka ah iyo wararka been abuurka ee bartaasi lagu baahiyo.

Latest News

  • Addis Ababa: Saraakiil Ka Tirsan Xisbiga Xukuma Dalka Ethiopia Oo La Xidhxidhay
  • Dawladda Hoose Ee Qardho Oo Shirkad Cusub Ku Wareejisay Nadaafada Magaaladda
  • Ujeedada Shir Magaaladda Hargeysa Ku Dhex Maray Somaliland Iyo Ethiopia
  • Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Sanaag Oo Ka War Bixiyay Nabadeynta Beelaha Walaalaha Ah Ee Colaadu Ku Dhex Martay Deegaanka Shidan
  • Baladweyne: Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabeelle Oo Kulan La Qaatay Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Somaliya

Latest Articles

  • Madaxweynaha iyo Xisbiyada Waxay Masuuliyadi Ka Saarantahay Cidda Umadda Loogu dhiibayo Golayaasha Wakiillada Iyo DeegaankaW/QXuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)
  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital