unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo La Kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya

TOGDHEERNEWS : Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Safiirka Midgowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Berlanga.

Guddoomiyaha ayaa la wadaagay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaalaaiya horumarka uu ku tallaabsanayo Gobolka, Arrimaha Barakacayaasha, dadaallada dib u dhiska iyo qorsheyaasha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Filish oo uga mahad-celiyey Ururka Midowga Yurub taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa barnaamijyada horumarineed ee Ururka Midowga Yurub uu ka fuliyo Gobolka Banaadir.

Dhankiisa, Nicolas Berlanga ayaa ku ammaanay bulshada iyo maamulka Caasimadda sida ay ugu taagan yihiin horumarka iyo xaqiijinta dib u kabashada Gobolka, waxa uuna ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan Gobolka.

Sidoo kale, Danjire Nicolas waxa uu uga mahad-celiyey Maamulka iyo Bulshada Caasimadda soo dhaweynta diirran iyo fududeynta shaqada tan iyo markii uu soo gaaray dalka.

Latest News

  • Magaalada Hargeysa Oo Markii Ugu Horeysay Lagu Qabanayo Tartanka Dhinaca Fardaha Ah
  • “Xukuumaddu Waxay Ilaaladii Ka Qaaday Guddoomiyaha Waddani, Qaarna Way Xidhay” Cabdilaahi Geel Jire
  • Hayada Xuququl Iinsanka Madax Banaan somaliland oo cambaareyay xadhiga masuuliyin ka tirsan waddani
  • Siyaasiyiinta Madasha Ayaa Ka Hadlay Xaalada Dalka Waxayna Farin U Direen Madaxwayne Muuse Biixi
  • “Taladdii u danbaysay ee aan madaxweynaha siiyaa waxay ahayd….” Jiif caaqil askar’’

Latest Articles

  • Somaliland: Sharciga ayaa Qeexay Qaabka loo Xulayo Xubnaha Komishanka ee ha la Joojiyo Qardo-jeexa iyo Qaylada Badan
  • Xigmadihii Dhaxalka Qaran Noqday ee M/weynihii Hore Somaliland Mudane Rayaale
  • Wariye Kayse Axmed Digaale Oo Bariga London Loogu Sameeyay Casho-Sharaf
  • Wada-shaqaynta qarsoon ee Hargeysa iyo Xamar
  • Aniga oo ah Aqoonyahan / Abwaan Ibraahim-Rashiid Cismaan Guure waxaan kula talin lahaa ummadda reeer somaliland Qodobbadan:

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital