unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Sweden iyo Talyaaniga

TOGDHEERNEWS : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Dalalka Talyaaniga iyo Sweden ee Soomaaliya.

Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane Staffan Tillander oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane Carl XVI Gustaf, ayaa tilmaamay in dadaal uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka Labada Dal, isaga oo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay.

Sidoo kale, Danjiraha cusub ee Dalka Talyaaniga Mudane Alberto Vecchi oo warqadahiisa aqoonsi u gudbiyey Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu ugu hanweyn yahay in uu ka mid noqdo bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala Dalka Soomaaliya.

Vecchi, ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa Dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella, waxa uuna tilmaamay in Dalkiisu ay saaxiib dhow la yihiin shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu ka dhexeeye Labada Dal.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya Dalalka Caalamka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo Magacaabay, wuxuuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku Garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Latest News

  • Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxwaynaha Faransiiska oo Kulan yeeshay.
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ergeyga QM Kala Hadlay Geeddi Socodka Siyaasadda Soomaaliya
  • Waa Maxay Sababta Xisbiyadda Mucaaridku Ku Diideen Gudida Cusub Ee Doorashooyinka.
  • “Sharci Noqon Maysaan Hadaad Hay’adaha Sharciga Ku Tilmaamtan Sharci Daro”Xisbiga Kulmiye
  • Dareenka Lixdii Xubnood Ee Loo Ansixiyey Komishanka Cusub.

Latest Articles

  • Somaliland: Sharciga ayaa Qeexay Qaabka loo Xulayo Xubnaha Komishanka ee ha la Joojiyo Qardo-jeexa iyo Qaylada Badan
  • Xigmadihii Dhaxalka Qaran Noqday ee M/weynihii Hore Somaliland Mudane Rayaale
  • Wariye Kayse Axmed Digaale Oo Bariga London Loogu Sameeyay Casho-Sharaf
  • Wada-shaqaynta qarsoon ee Hargeysa iyo Xamar
  • Aniga oo ah Aqoonyahan / Abwaan Ibraahim-Rashiid Cismaan Guure waxaan kula talin lahaa ummadda reeer somaliland Qodobbadan:

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital