unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Wasiirka Madaxtooyada Oo Sharaxaad Ka Bixiyey Kulan Ay Weftigii Xukuumaddu La Yeesheen Guddida Nabadgalyada Gobolka Sool

 

“Kulan Daaran Dardargalin iyo Dardaaran Oo ayaanu Maanta La yeelanay Guddida Nabadgalyada Gobolka Sool.”  Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

 

Laascaanood(Toogdhnews)Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaaminaya Wefti ballaadhan oo ka socdaty Dawladda, oo ku sugan gobolka Sool ayaa sharaxaad ka bixiyey kulan ay la yeesheen guddida nabadgalyada gobolkaasi.

 

Wasiirka ayaa sheegay in kulankaasi uu ku saabsanaa meel marinta go’aamo ay ka soo sareen  Colaada ka socota koonfurka gobolkaasi ee u dhaxaysa beelaha Qayaad iyo Ba’harrarsame. Isaga oo geesta kalena amaanay habdhaqanka Ciidamada qaranka Somaliland ee deegaanadaasi ku sugan.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa arrimahaasi kaga hadlay hadal qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisafa Facebook waxaanu yidhi “ Waxaan saaka shir ballaadhan ugu yeedhnay  guddida nabadgalyada gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ka kooban maamulka iyo saraakiisha  ciidamada kala duwan. Kulankaas waxaanu uga dan lahayn adkaynta iyo xoojinta nabadgalyada gobolka guud ahaan iyo gaar ahaanba, meel-marinta go’aamadii aanu weftigayagii Xukuumaddu ka soo saarnay xaalada shaqaaqooyinka taagan. Waxaan saraakiisha iyo masuuliyiinta kala duwan kula dardaarnay inay xilkooda iyo waajibaadkooda u gutaan si sharciga waafaqsan oo dadaal iyo daacanimo leh, waxaanu ku kalsoonahay in ay hawlahaa u fulin doonaan sidii loogu tallo galay.”

 

Wasiirka ayaa sidoo kalena bogaadiyey asluubta ciidamada  ku sugan Sool waxaanu yidhi “  Ugu dambayn waxaan ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadinaynaa dadaalkii ay muujiyeen iyo doorkii ay ka qaateen adkaynta nabadgalayada gobolka Sool. Waxa kale oo Xukuumad ahaan sharaf noo ah in ciidamada qaranka la majeertay dhawr-soonaantooda iyo habdhaqanka,  anshaxa iyo asluubta wanaagsan ee ay kula dhaqmaan bulshada gobolka, arrintaana ay ka markhaati kaceen waxgaradka iyo waayeelka gobolka Sool oo aanu la kulanay.”

Geesta kalena Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa gurigiisa ku booqday Garaad Cali Buraale Xasan oo ah Garaadka beesha Qayaad oo xanuun u jiiga, Wasiirka oo booqashadaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan saaka maamuus ahaan gurigiisa ku booqday Garaad Cali Buraale Xasan, oo ka mid ah ismimada waaweyn ee gobolka Sool, oo xanuun u jiifa. waxaan garaadka ILAAHAY ugu baryayaa inuu siiyo caafimaad kaamila, cimri dheer iyo camal suuban.”

 

Latest News

  • Daawo : Laascaanood: Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Laascaanood oo la tukaday Shacabka sool salaadii ciidul Fidrida .
  • Daawo : Magaaladda Oodweyne & Jewigii Ciidul Fidri ee Maanta
  • Dawo : Masuuliyiinka Gobolka Togdheer Oo Bulshada Ugu Baaqay Inay Ka Feejignaadaan Cudurkii Shuban Biyoodka
  • Daawo : Wasiirka Warshada Somaliland Ayaa Bulshada Magaalada Gabilye Kula Tukaday Garoonka Kubadda Cagta
  • Daawo : Madaxweynaha Jabuuti Ayaa Bulshada Kula Tukaday Salaadii Ciidda Barxadda Wayn Ee Euro

Latest Articles

  • Khilaafka Carabta ka Dhex taagan Wuxuu Guul u Noqday Israel. InDhihii Caalamkuna Waxay Ka Jeesteen Shacbiga Dulman Ee Reer Falastiin W/Q :Garaad Salebaan
  • Saddex camal oo aan ajarkoodu xadidnayn.W/Q:Yusuf Roobleh Xirsi(Sandoon)
  • Shakhsiyadda Dhabta Ah Ee Wiilka Loo Cimaamaday Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sucuudiga Iyo Awoodda Uu Ku Leeyahay Talada Dalkaasi WQ: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase)
  • Sakaatul fidriga oo waxa ay qayb wayn ka noqon kartaa ka soo kabashada dhibaatada abaaraha!Dr. Cabdiqani Xuseen (Beder)
  • Markuu Hoggaanku Asqoobo, Bulshaduna Way Wajaqdaa.

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital