unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Xisbiga WADDANI oo Hargeysa Ku Yeeshay Kulan Hawleed Laga ga Hadlaayey Ololaha Doorashada Madaxtooyada

Hargeysa(Togdhnews):-Kulan hawleed uu xisbiga WADDANI ku falan-qeynaayey siyaabaha kala duwan ee fariimaha iyo barnaamij siyaasaddeedka xisbigaasi loo gaadhsiin karo guud ahaan shacabka Somaliland iyo weli ba sida oo kale u diyaar garowga ololaha doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa daba-yaaqada sanadkan, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Ambassador ee Hargeysa.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen kooxda ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay ka caawinaysay hay’adda IRI oo ay tobabarkaasi wax ka bixinaayeen khabiiro ku xeel dheer dhinaca ololaha doorashooyinka iyo weli ba sida oo kale siyaabaha kala duwan ee xisbiyadu ay fariimahooda siyaasaddeed u gaadhsiin karaan u na kasban karaan codbixiyeyaasha Doorashada, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Madaxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada WADDANI Aqoonyahan Xamse Kheyre, abwaaniin, hal-abuuro, saxafiyiin iyo weli ba sida oo kale aqoonyahanno ku xeel dheer dhinacyada xidhiidhada bulshada oo iskugu jira dhakhaatiirkh, macalimiin iyo weli ba sida oo kale kuwo kale oo ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Waxaana kulankan oo socon doona muddo saddex cisho ah ay inta badan diiradda ku saari doonaan siyaabaha ugu habboon ee xisbiga WADDANI uu fariimahiisa siyaasaddeed u gaadhsiin lahaa bulshada Somaliland isla mar ahaantaana bulshadiisa isbedel doonka ah  uu xiliyada doorashada iyo inta ka horreysa ba uu u la la wadaagi lahaa fariimo ka fayow cunfi, qabyaalad iyo weli ba sida oo kale kala qoqobidda bulshooyinka Somaliland bari illaa galbeed ee walaalaha ah oo inta badan uu caan ku noqday Xisbiga KULMIYE.

Image may contain: 1 person, standingImage may contain: 6 people, people standingImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 1 person, sitting and closeupImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 1 personImage may contain: 2 people, people sitting and tableImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 3 people, indoor

Latest News

  • Gud.Cirro Oo La War bixiyay Shirar Caalami ah oo uu kaga qaybgalay Dalka Sweden
  • Siyaasi Buubaa oo Ka hadlay Saamaynta Safarkii RW Itoobiya Ku yeelan karo Somaliland
  • Waxyaabaha Hor istaaga in ducada la aqbalo – Sh.Cabdiraxmaan Dheere
  • Xoghayaha Mujaahidiinta Somaliland Ayaa Ka Hadlay Xaaladda Waddanka
  • Abwaan Ku Dhiiri Galiyay Abwaanadda Dalka Ka Qayb Galka Nabadaynta Dalka

Latest Articles

  • MAALINTA CAALAMIGA AH EE QUDUS ( JUMCAHA UGU DANBEEYA RAMADAAN )
  • Waayahii daraad Jirey Maantuu ka daran yahay.
  • SOMALILAND MA WAXBAA U DHIMAN MISE WAXBAA KA SI’ AH. W.Q Liibaan Shaadiro Qaybtii Labaad
  • TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO. Qormadii 22` aad .
  • Xasuustayda Weedho Kooban Oo AHN.Maxamed Nuur Giriig Ka Yidhi Sahra Axmed Jaamac: Q.2aad…

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital