unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Wasaarada Arimaha Dibada Ethiopia Soo Bandhigtay Iney Dadkii Qisaasta Somaliland Ku Filisay Ka Tirsanaay Qaar Kamid Alshabaab

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhowaan dil toogasho ah ku fulisay Lix maxbuus oo ay sheegtay inay geysteen dilal, isla markaana ay Maxkamadu ku xukuntay xukunadaasi dil.

Dowladda Itoobiya ayaa iyadu qabta in Somaliland ay ka been sheegayso kiisaska saxda ah ee labo kamid ah Lixdaasi Ruux ee dhowaan ay toogatay xukuumada Biixi, iyadoona si toos ah ula xiriirisay falal Argagixiso.

Wasaarada arrimahad dibada ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in Lixdii ruux ee Somaliland ku fulisay dilka ay Labo Nin oo kamid ah ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab, isla markaana lagu helay dambiyo la xidhiidha argagixisada.

Wasaarada ayaa arrinkaasi ku sheegtay qoraal ay ku daabacday warbixinteeda todobaadlaha ah ee ‘Week In the Horn’, inkasta oo ay si toos ah u shaacin magacyada labada Nin ee ay la xidhiidhisay inay ka tirsanaayen ururka Al-Shabaab.

Xukuumada Somaliland ayaa muddo 3-cisho ka hor xukun dil ah ku fulisay Lixdaasi ruux, iyadoona xeer ilaalinta guud ay soo saartay magacyada lixda nin ee la toogtay iyo magacyada dadyow ay sheegtay in Maxkamadu ku heshay inay dileen.

Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi oo ay kaga jawaab celinayso arrintaasi ay Wasaarada arrimaha dibada ee dalka Itoobiya ay ku daabacday Warbixinteeda todobaadlaha.

 

Image may contain: text that says "Somaliland has executed six men by firing squad at Mandheera prison in the capital, Hargeysa on Wednesday (January 15). Two of the executed members were related to terror charges and alleged members of the armed group al-"

Latest News

  • Ex Wasiir Obsiiye Oo Jawaab Adag ka Bixiyay Hadal kasoo Yeedhay Siyaasiyii Boobe Yuusuf Ducaale Iyo Hasan Sheekh.
  • “Madaxweynuhu Sharci Ayuu U Leeyahay In Uu Furo Ururradii Siyaasada”Garyaqaanka Guud Ee Somaliland
  • Machadka Barashada luuqadaha iyo Caafimaad Ee Samo Garad Oo Ardayda Hawlo Shaqo Loo Geeyey Kaam Aw Shukjri Ee Duleedka Burco +Sawiro
  • Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Maalintii 2aad Ka Doodaya Xaaladda Amni Iyo Arimaha Bulshada
  • Film Loogu Magac Daray Shil Jaceyl Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay

Latest Articles

  • Xaajada Soomaaliya & Somaliland, Xeer-beegti ayay rabtaa W/Q Abdirashiid Khaliif Xaashi
  • Hambalyo Dhamaan Umadda Reer Somaliland, Gaar Ahaan Unugyada Qarsoon Ee Heeganka Ugu Jira Ilaalinta Hamiga Umadooda.
  • MAXAA SOMALILAND FURSAD UGU JIRA SAFARKA MADAXWAYNE BIIXI KU TAGEY ADDIS-ABABA? W/Q Mohamed Abdi Jama  
  • Nidaamkeena cashuuruhu waa mid caddaalad darro ah oo danyarta culays ku ah (WQ: Guleed Axmed Jaamac “Dafac”)
  • Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Gabay Loo Tiriyey

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital