unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

‘Caalamku wuxuu ina Ictiraafayaa Marka uu isagu inoo Baahdo ee aad Noqoto Qof Dan Laga Leeyahay’

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo ka hadlay arrimo khuseeya doorashooyinka Somaliland, saldhigga millatari ee Imaaraadka iyo maalgashiga dekedda Berbera

Nairobi (Togdhnews)- Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ictiraafka Somaliland ku xidhan yahay kolba inta ay le’egaadaan danaha beesha caalamku ka hesho Somaliland.

Guddoomiye Muuse Biixi oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ku sugan yihiin magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa khudbad dhinac badan taabanaysa oo uu ka jeediyey xaflad ay u sameeyeen jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Kenya habeenimadii Jimcihii, waxa uu sheegay in qorshaha xisbigiisa KULMIYE yahay xoojinta xidhiidhka caalamka si dalku u helo maalgashi faa’iido u noqda mustaqbalka, isla markaana horseeda ictiraaf buuxa oo Somaliland ka hesho beesha caalamka.

“Waa inaad caqli iyo calool-adayg keentaa aad ku soo jiidato caalamka inay soo maalgaliyaan si mustaqbalka dalkaagu u hagaago, haddaanad adiguna waxba hayn, cidna aanad u yeedhin oo soo xod-xodan oo dalka keenin, dadkaagiina baahanyahay oo weliba baahiduna sii kordhayso mustaqbalka, markaa dhagax meesha yaala ayaad tahaye waxba maad tarin, dadkuna way ku tuhmayaan. KULMIYE ahaan waxaannu doonaynaa in aynu caalamka xidhiidh badan ku yeelano, kelmadda ictiraafka ee aynu raadino aynu si kale u dhigno, caalamku wuxuu ina ictiraafayaa marka uu isagu inoo baahdo ee aad noqoto qof dan laga leeyahay, laakiin qof aan waxba lagu falayn, haddaanad waxba soo saarayn, haddaad adigu taagan tahay uun halkii gabayga reer hebel reer hebel lagu wadahadalyey boqol sanno ka hor oo laba tuulo uun isku faanayso, haddii aragtidaadu aanay intaas dhaafayn, haddii kaagii aqoonta lahaa ee aad sare u qaadi lahaydba aad kaladhka ku soo dhegayso oo aad odhayso waa ina hebel iyo waad na soo iibsatay oo meel baad tagaysaa, siday noqonaysaa? Markaa ictiraafku wuxuu imanayaa markay dunidu ku aragto keebaad tahay, shaqaalahaagu meel ma gaadho, aqoontaadu meel ma gaadho, ka kuu yimaadaa uu jeclsaysto inuu xoolihiisa kugu aamino oo aad dal nabadgalyo leh oo kala dambeeya oo haddii uu wixiisu gashado ogyahay inuu kala soo baxayo berri, markaas ayuun baa laguu imanayaa, haddaanad intaa midna hayn oo aad ictiraaf uun la wareegaysato, waa run oo dad meel jooga ayaad tahay, laakiin dadku waxay ku odhanayaan maxaan kaa dheefayaa. Sidaas darteed, waxaynu u baahannahay in aynu taa u diyaarino dadka oo aynu ictiraafka gudaheenna ka doono,” ayuu yidhi Md. Muuse Biix.

Waxa kaloo uu tilmaamay in mashaariicda maalgashi ee dekedda Berbera iyo saldhigga Millatari ee la doonayo in Imaaraadku ku yeeshay Berbera ay ka mid yihiin firkadaha xisbiga KULMIYE ee Somaliland horumarka ku gaadhi karto.

Isagoo arrintaasi ka hadlanaya waxa uu yidhi, “Fikradahaa iyadoo laga duulayo waxaynu ku tallaabsanay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin mashruuca horumarinta dekedda Berbera ee aynu la galnay shirkadda DP WORLD, waa shirkad ganacsi oo aynu ka doonayno in aynu maalgashi ka helno, dhisme ka helno oo shaqaale ka helno oo aynu aqoon ka korodhsano, caalamankana ku soo jiidanno, kadibna waanu u badheedhnay oo heshiis baanu la galnay aannu halkii ugu adkayd ee aannu marin karaynay marinay. Dad badan baa leh waa la ina dhacayaa oo iyadaa innaga faa’iido badanaysa, horta marka la gorgortamayo nin waliba waxa uu hayo ayuu la tagaa, adigu baahi baad qabtaa iyaguna baahi bay qabaan, markaa halka aad isla dhaafi kariwaydaan ee aad dantaada ka dhaqaajin kariwaydo waa inaad ka bilowdaa, tusaale ahaan Sucuudi Carabiya oo maanta dalalka adduunka dhaqaale ahaan ugu xoogga wayn ahi markii Boqor Faysal ay u tagay Imaaraadka Carabtu ee u horreysay wuxuu qaatay faa’iidada dekedda boqolkiiba 5%, halka 95% kale uu iyaga kula heshiiyey, qodob uun buu ku darsaday ahaa dhawrkii sannaba mar baynu heshiiska dib u eegaynaa, soddon sanno kadib isagaaba la wareegay oo maantana waddamada ugu dhaqaalaha wayn weeye.

Saldhigga Berbera waa la mid, Imaaraadka Carabtu waxay tidhi naga kireeya, caalamka oo dhan baa kireeya, waayahaye maxaynu kala dheefaynaa baanu nidhi?”

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu naqdiyey siyaasiyiinta iyo dadka ka soo horjeeda saldhigga Millatari ee Berbera oo uu sheegay in aanay diidmadoodu waaqici ahayn ee loo baahan yahay inay sugaan inta la dhammaystiro heshiiska oo ay qiimeeyaan faa’iido iyo khasaare waxa ugu jira dalka.

“Waxaan la yaabaa masuuliyiin badan oo Somaliland ah oo xisbiyo iyo xildhibaanno ah ayaa aad u qayliya, horta waxa la isqabsan karaa markaad hesho; wixii la innagula heshiiyey dhibaato ayaa inoogu jirta oo waa kaa iyo kaa, heshiis aynu galnay oo Madaxweynuhu saxeexay ma jiro, laakiin si aynaan isku tuhmin waxa la soo dhigay Baarlamanka qodobo ah kuwaynu ku xidhaynay heshiiska, iminkana Madaxweyne-ku-xigeenka, Wasiirka Khaarajiga iyo shan wasiir waxay joogaan Dubai oo waxay akhriyayaan heshiiskii iyo sida u danta ah Somaliland. Haddaba, marka la soo saaro heshiiska in la yidhaa waad khaldanteen oo kan iyo kaas baa xun waa gar in la diidaa, laakiin iyadoon la gaadhinba oo heshiis la galin in cir iyo dhul laga qayliyo oo la yidhaa yaanaan galinba waa khalad ee wax cad aynu ku muranno,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu ka hadlay doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan in dalka laga qabto dabayaaqada sannadkan, waxaannu ballanqaaday inay xisbi ahaan diyaar u yihiin doorasho xor iyo xalaal ah oo ay aqbalayaan natiijadeeda.

“Haddii aannu KULMIYE nahay waxaannu dalka ka doonaynaa inay ka dhacdo doorasho xor oo xalaal ah, doorasho aan inoo keenin dhibaato iyo buuq, waxaanna waajib ah nin kasta oo helaaba inuu ka kale tahniyadeeyo, sidaas ayeynu ku horumarinaynaa dalkeena oo way inoo bilaabantay oo kuwii innooga horreeyey ayaa sidaas sameeyey, haddaanu annagu KULMIYE nahay waxaannu ummadda u sheegaynaa in aannu galayno olole nadiif ah oo aan dalka xag-xagasho u lahayn oo aan colaad, nac iyo fadhaan-fadh hoose midna lahay, waxaannu ballnaqaadaynaa doorasho xor oo xalaal ah oo haddii nalaga helana aannu tahniyadayn doono ciddii hesha,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Muuse Biixi.

 

Latest News

  • Wasiirka Macdanta Tamarta. Somaliland. Oo Eedaymo. Culus loo jeediyay
  • Daawo: Badhsaabka Togdheer oo Ka Warbixiyay Hawlgalo Ciidanka Aminiga Ka Wado Gudaha Burco
  • Shaqaale Ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Oo Mushahar la,aan Ka Cabanaya.
  • Siyaasi Si Weyn u Cambaareeyay Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.
  • Dawlada Ingiriiska Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Dalkaas.

Latest Articles

  • Dooda xisbiga kulmiye ee leh isbadal shaqsi iyo mid siyaasadeed ayaanu idin wadnaa shacabow.
  • DURUUFAHA HAYSTA XEEBAHA IYO GUBANKA BARIGA BERBERA
  • Isbedelada Sumaysan Ee Dalka Ka Dhacay 7-dii Sano ee Xukuumada Kulmiye
  • Afar kalmadood oo dadka Somalida ah ku adag in ay yidhaahdaan! W/Q.Khadar Aar
  • Muraabaxada Baananka Islaamiga ah ma ribaa ku walaaqan. (Qaybtii 3aad)

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital