unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Hargeysa: Tartankii Kooxaha Heerka 2aad ee Kubbadda Kolayga oo la soo Gabagabeeyay

 

  • Kooxda Shaadhay Team oo noqotay horyaalka Kooxaha Heerka 2aad

Hargeysa (Togdhnews)- Tartankii u socday kooxaha heerka labaad (Division B)  ee Kubbadda Kolayga oo ay siddeed kooxood oo ka tirsan kooxaha kubbadda kolayga ee caasimadda Hargeysa, ayaa lagu soo gabgabeeyay garoonka kubbadd Kolayga ee Timacadde shalay, halkaas oo ay ciyaartii kama danbaysta ahayd isku heleeleen labada kooxood ee Shaadhay Basketball Team iyo kooxda ku ciyaaraysay magaca xaafadda Jijiga Yar, iyadoo ay guushu raacday kooxda ku ciyaaraysay magaca ciyaartoygii waynaa ee kubbadda kolayga u safan jiray gobolka Maroodi-jeex sannadihii 80 meedyadii ee Axmed Cismaan Shaadhay oo iyadu keensatay 32 dhibcood, halka kooxda laga guulaystayna ay ka keensatay 26 dhibcood.

Kooxaha ka qaybgalay tartankan ayaa ahaa 8 kooxood oo heerka labaad ah, kuwaas oo kala ahaa; Shaadhay Team, Jigjiga yar, Abaarso-Tech school, Ahmed-Gurey, Callo Team,  Timacade Basketbll Team, D.H.ee GABILEY, iyo kooxda ku ciyaaraysay magaca garoonka CIYAARSAME. Waxaa tartankan soo qaban-qaabiyay Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Kubbadda Kolayga, oo taageero k helay Hay’adda Mercy Corps iyo USAID, waxaannu socday muddo 17 maalmood ah.

Ciyaartan kama danbaysta ahayd ee labadan kooxood ee Shaadhay Team iyo Jigjiga yar garoonka Timacadde ku dhexmartay ayay ka soo qayb-galay masuuliyiinta dhallinyarada iyo ciyaaraha oo uu ugu horeeyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas Md. Maxamed Xusseen Axmed (Dhabbeeye), Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Kolayga Somaliland Mr. Maxamuud Xassan Cabdillaahi (Qodax), Xoghayaha Xidhiidhka Mr. Mahdi Cabdi Yuusuf,  Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha Mr. Maxamed Nuux Jibriil iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Mercy Corps.

Guddida Farsamada ee xidhiidhka Kubbadda Kolayga ayaa dhanka kale markii ay ciyaartu dhammaatay ku dhawaaqay 3 laacib oo ku kala guulaystay jaa’isadaha laaciibiintii ugu dhibcaha badnaa (Best Scorer) muddadii tartanku socday iyo laaciibkii ugu wanaagsanaa taranka (Tournament’s Best player Award) iyo sidoo kale laaciibkii ugu akhlaaqda wanaagsanaa (Best Discipline Award).

  • Diiriye Axmed Cismaan oo ka tirsanaa kooxda Jigjiga Yar wuxuu ku guulaystay jaa’isadda laaciibkii ugu goolal-dhalinta badnaa tartanka (Best Scorer).
  • Cabdiwahaab Baashe Xusseen, kana tirsanaa kooxda horyaalka qaaday ee Shaadhay ayaa loo aqoonsaday laaciibkii ugu wanaagsanaa tartanka (Tournament’s Best player)
  • Cabdiwahaab Maxamed: oo ka tirsanaa kooxda Timacadde B. Team ayaa sidoo kale loo aqoonsaday laaciibka ugu akhlaaqda wanaagsanaa tartankan (Best Discipline Award).

 

 

 

Latest News

  • DaawoXisbiga WADDANI Oo Eedaymo Culus U Jeediyay Ciidamada Booliska Somaliland Iyo Jawaabta Ciidanka.
  • “Sicir Bararka Waxa Ka Mid Ah Dawladan 70-ka Wasiir Ah, Intaas Oo La Taliye Iyo Ninka Xilka Laga Qaaday Ee Mushaharkiisii Wali Qaata”..Xil Kijandhe
  • Daawo:Xarun Cusub Oo Loo Dhisayo Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Somaliland Oo La Dhagax Dhigay
  • Hoggaamiyaha Al-Qacida Ayman Al Zawahiri oo Farriin U Diray Kooxaha Ku Dagaalamaya Dalka Suuriya.
  • Daawo:Shirkadaha Korontada Hargeysa Oo Mar Kale Ku Celiyay Inay Wasaaradda Macdanta Iyo Tamartu Doonayso Inay Laydhka Kooto Ugu Xidho Shirkad Gaar Ah.

Latest Articles

  • Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Hanti Dhawraha Guud iyo Guddiga Musuqmaasuqu ha iscasilaan (Q. 2aad)
  • Dr. Moxamd Cisman Fadal iyo xaaskiisa Zeinab Yusuf X. Adan Waxay Tacsi U Dirayaan..
  • Qisso cajiib ah : Beenta aad caruurtada bartaa dib ayay kuugu soo noqotaa adiga..WQ/Khadar Ibrahim Aar
  • Ambassador Gaaruf Muu Abbaarin Xaqiiqada Iyo Waxa Keenay Sarrif Bararka: W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • DULIN ABAAREED…WQ Cabdijibaar Aaden Gaas

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital