unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Hay,adda Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Oo Tababar Burco Uga Furtay Xeerilaaliyaasha Iyo Saraakiisha Booliska Gobollada Bariga Somaliland

 

Burco(Togdhnews)-  Hay,adda Xuquuqal  Iinsaanka Qaranka  ,ayaa tababar  ku saabsan  Dhowrida  Xuquuqal iinsaanka  Maanta  uga furtaya  magaalada Burco  Xeer ilaaliyaasha  Iyo Saraakiisa Booliska   ee gobollada  Bariga Somaliland.

 

Tababarkan  oo socon doona  muddo sadex maalmood ah oo   ujeedadiisu la xidhiidho  sidii  ka qaybgalayaasha loogu tababari   lahaa     dhowrida  xuquuqal iinsaanka  iyo xidhiidhka wada shaqayneed  ee Xeer ilaaliyaasha, ,Booliska  Iyo  Komishanka Xuquuqal  iinsaanka Qaranka,ayaa  saaka  ka furmaya Huteel City  Plasa ee Magaalada Burco

Furtinkii  tababarkan oo ay ka soo Qaybgaleen Madaxda Komishanka Xuquuqal  Iiinsaanka Qaranka, Masuuliyiin ka soctay Hay,adda UNSOM  , Saraakiisha Booliska    iyo masuuliyiin  kale ayaa ugu horeyn waxa halkaasi ka  hadashay  Gudoomiyaha  Hay,adda Xuquuqal  iinsanka Qaranka Marwo Fadxiya Xuseen Axmed Jaamac, waxayna   ka war bixisay   muhiimada tababarkan la xidhiidho ” Aaad baan runtii ugu  hanweynahay,farxad ii tahay inaan Maanta Halakan(Burco) tababar uga furno   Xeer ilaaliyaasha  Iyo Saraakiisha  Booliska Gobollada Bariga Somaliland, oo  ku saabsan  ilaalinta  xuqquuqal  iinsaanka .”.Waxay intaa  ku dartay in  tababar noocan oo kale ah hore loogu soo qabtay gobollada   galbeedka,tababarkana maaha kii u horeeyay ee tababaro hore ayaanu u qabanay.

Waxa Marwo  Fadxiya  Intaasi Ku Dartay  in Booliska Iyo Xeer ilaaliyaashuba kaalin  muhiima   ka qaataan ilaalintinta  xuquuqal insaanka, xidhiidhwada  shaqaneed oo dhowina naga dhexeeyo, Iyagu waxay u adeegaan oo caawiyaan dad jilicsan,anaguna waxaanu u adeegnaa  dadka Jilicsan, waxaana tababarkana  noqon doono mid ay wax badan ka korodhsadaan.Waxay   Fadxiya  u mahad celisay Hay,adda UNSOM ,qaybtooda Xuquuqal Insaanka  oo ku tilmaantay inay  ka caawiyaan dhinaca  tababarada xuquuqal iinsaanka.

 

Waxa kale, oo tababarka Ka hadlay    qaar ka mid ah Masuulyiinta Ha,adda UNSOM iyo Madaxa Tababarada Ciidanka Booliska Somaliland  kuwaasoo u mahad celiyay Hay,adda Xuquuqal iinsaanka Qaranka  Islamarka  Ka Qaybgalayaasha  tababarka kula dardaarmay inay ka  fiidaystaan   islamarkaana  aqoonta ay ka korodhsadaan ku dabaqaan Hawl maalmoodkooda.

 

 

Latest News

  • Daawo:Dagaal Sababay Khasaare Dhimasho Oo Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle
  • Daawo: Xuska Maalinta Gargaarka Bini-aadanimada oo lagu qabtay magalada Hargeysa
  • Daawo:Xoghayaha Golaha Wakiilada JSL Oo Shaaciyay Xubanaha Ku Tartamaya Guddoomiye Ku xigeenka 1 AAD
  • Daawo:Musharraxa Xisbiga Waddani Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Garadag
  • Daawo:Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Imtixaan Ka Qaadday Shaqaale Cusub

Latest Articles

  • Gabay cusub oo la magac-baxay Hoga-tusaale
  • Waa maxay sababta horjoogayaasha Al-shabaab dawladu Rooga-Cas ugu dhigtaa,dhalinyartana Tiirka Toogashada lootagaa?W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
  • Shirkadaha Dahabshiil Group waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan Xasan Cabdi Cawed
  • Waxaan Godobteedu Hadhin, Gar Aad Leeduu Og-yahay, Nin Kaaga Masuugay Gole ( daacad Alle Yaqaan)!!
  • Fadeexado Dul Hoganaya Maamulka Gobolka Daadmadheed

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital