unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Gudoomiye Cirro Oo Ku Baaqay In Madaxwayne Biixi Is Casilo

Hargaysa(Togdhnews)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo sameeyeen dastuur jabin iyo khiyaamo Qaran.

Luuqadda adage e Dr Cirro waxay daba socotay hadalka wasiirru dawlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Maxamed Qarqaash oo shalay BBC-da u sheegay in ay heshiiska dekedda Berbera kala heshiiyeen dawladdii hore ee Soomaaliya ee Xasan Sheekh, islamarkaana aanay wax xidhiidh ah la lahayn Somaliland sida safaarad ama qunsuliyad uga furanna aanay jirin.

 

Dr Cirro waxa uu sheegay in waxa kaliya ee u bannaan Madaxweyne Biixi yahay in uu iscasilo, islamarkaana dalka laga qabto doorasho madaxweyne oo degdeg ah “Madaxweynahu wuxu jabiyey dastuurkii, wuxuuna ku kacay khiyaamo qaran. Waana in uu si deg dag ah isku casilaa oo dalkana laga qabtaa doorasho Madaxtooyo,” Sidaas ayaa ka mid ah hadalka Dr Cirro.

 

Bulshada Somaliland ayaa amakaag ka qaaday hadalka dawladda Imaaraadka waxaana baraha bulshada laga arkayay dhalleecayn badan oo loo soo jeediyay xidhiidhka xukumadda ee ah Saldhigga Militari iyo dekedda. Dadka xukumadda taabacsan ayaa ku andacoonaya in BBC-du been sheegayso.

Latest News

  • Qaramadda Midoobay oo war Kasoo Saaray Saldhiga Berbera
  • Jabuuti: Shirka isticmaalka Aqoonta Casriga ah ee Teknoolajiyadda oo Lasoo Gabagabeeyay
  • Jabuuti oo soo dhaweysay cunaqabateyntii laga qaadday Eritrea
  • Shirkadda Telesom, oo ku guuleystay Abaalmarinta Teknoolajiyadda Africa
  • Ra’iisal wasaare Khayre oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socda Gudida Badbaadda Ee IRC

Latest Articles

  • Maamul Xumo baahsan oo hadhaysay Gobolka Daadmadheedh iyo Badhasaabkii ugu liitay Badhasaabadii soo maray gobolka oo uu ku iloobay Madaxweynuhu.
  • XAQ DARO XALKEEDU ADKAAN DOONO (XADHIGA AXMED CADIB)
  • WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO (WQL) Muhamed Dhimbiil
  • SU’AAL DADWEYNOOW?
  • WARQAD FURAN !

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital