unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Jabuuti Oo Wali Dooneysa Kursiga Golaha Ammanka Ee Qaramada Midoobay

Dawladda Jabuuti oo u tartamaysa mid ka mid ah kuraasta aan jogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xustay in dalka Kenya aan lagu aamini karin kursigaas.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, oo maanta safiirrada ajanabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xidhiidha musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi. “Jabuuti waxa aay qiyaasaysaa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yidhi wasiirku. Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya. “Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”.

Dowladdaha Jabuuti iyo Kenya ayaa loolan adag waxaa ay ugu jireen helida kusri ka mid ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey,waxaana xusid mudan in Xubnaha Midowga Afrika ay Kenya u codeeyeen balse aan go’aanka rasmiga ah la soo saarin,dowladda Jabuutina ay sheegtay inay waqti gelin doonto helida kursigaas.

Latest News

  • madaxweynaha maraykanka ciidamadiisa joogay dalka jarmalka oo sheegay iney ka soo baxaan
  • Hambalyo maher wacan
  • PUNTLAND OO DISHAY MADAXII AL-SHABAAB U QAABILSANAA QARAXYADA GOBOLKA MUDUG
  • Wariye C/Maalik Coldoon oo muddo kadib xabsiga laga sii daayay.
  • Siyaasiyiin Muqdisho uga dhawaaqay xisbi siyaasadeed cusub

Latest Articles

  • Hambalyo  Meher Wacan
  • Coronavirus dabadii ninkii roon baa reerka u hadhi W/Q Sharmaar Waceys
  • Burco waxay u baahan tahay xoog dhalinyaro oo Ufadii Hargeysa oo kale ah !!!!W/Q xuseen laki
  • Mufti Magacaaban iyo Marjac Culimo Oo lagu Midaysan Yahay Midna Ma Hayno W/Q Sharmaarke Aw-muuse
  • Xasuuqii Iyo Mar Kale Maya: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital