unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

“Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan gurmadka abaaraha ee dalka ka socda”Eng. Yarisow

Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey falkii Al-Shabaab ay qarax miino ugu geysteen gaari ay saarnaayeen xubno ka socda Guddiga Abaaraha Qaranka iyagoo maraya deegaanka Garasbaaley si shacabka barakacayaasha ah loogu gurmado.

 

Gaari ay saarnaayeen xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha Qaranka, Guddi ka socday Gobolka Banaadir iyo gawaari kale oo ay saarnaayeen Saraakiil ka socday Bisha Cas ee Imaaraadka oo ay ku sii jeedeen deegaanka Garasbaaley si ay ugu kuurgalaan xaalada dadka barakacayaasha ah ee deegaankaas si loo gaarsiiyo gurmad deg-deg ah ayaa waxaa gaarigii hore loo dhigay miino ay kooxaha argagaxisada ah ugu talo galeen inay ku hor-istaagaan gurmadkaas. Qaraxa miinada ay argagaxisadu doonayeen inay ku dilaan saraakiisha u gurmaneysa shacabka, ayaa waxaa nasiib wanaag ah in uu EEBBE ka bad-baadiyey oo aysan jirin wax khasaare ah ama dhaawac ah. Gaarigii ayaa halkaas ku gubtay, dadkii saarnaana waa ay bad-baadeen dhammaantood.

 

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan gurmadka abaarahad dalka ka socda. Dowladda Federaalku waxey mudnaan gaar ah siisay u gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen, halka Al-Shabaab ay iyagana mudnaan koowaad ka dhigteen is-hortaaga in shacabkaas tabaaleysan loo gurmado. Wallaalaha Imaaraadka ee noogu yimid inay shacabka gar-gaaraan waxey noo sheegeen inaysan marnaba joojin doonin gar-gaarka ay Soomaalida u fidiyaan waqtigan xasaasiga ah.”

 

Eng. Yarisow ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in dadaal walba loo galo sidii shacabka tabaaleysan loogu gurman lahaa, oo falalka noocan oo kale ahna ay nagu sii dhiirigelinayaan inaan geesinimo ka sii qaadno annagoo kaashaneyna shacabka Soomaaliyeed oo aan labo-jibaarno howlaha gurmadka abaaraha ee hadda u socda si xowli ah.”

Latest News

  • Daawo:Burco Dugsiga SMART Ayaa Abaalmarino Guddoonsiiyay Ardaydii Kaalmaha Hore Ka Galay Imtixaankii Shahaadiga
  • Daawo:Taageerayaal Cusub Oo Ku Biiray Xisbiga waddani ee magalada Burco
  • Daawo:Guddida Doorashooyinka Ayaa Kulan La Qaatay Warbaahinta Dalka
  • Daawo:Ururka Saxafiyiinta Somaliland Ee SOLJA Ayaa Tababar U Furay Weriyayaal Iyo Garsoorka
  • Daawo:Burco Musharraxa Xisbiga Waddani Ayaa Xafiisyadii Ugu Badnaa Ka Xadhiga Ka Jaray Ee G. Togdheer

Latest Articles

  • Oromada iyo Soomaalida Qaad wax ka weyn ayaa ka dhexeyaa!
  • Wal walka iyo kalsooni darada ka qabta garsoorka dalka.Cartan Maxamed Jamac
  • Baroortu Orgiga Ka Weyn: Doorashooyinka Somaliland: Axmed Maxamed Diiriye )(Toorno), ahmedmdiriye, Hargeysa
  • Maxakamad Siyaasadi Turuqday,Tallo Ha Way Diinin( Dr Daacad Alle Yaqaan)!
  • Af lagaado & Cay midna eedu kuma sama!

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital