unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka Oo ka Wada Hadlay Xiriirka Labada Dal.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa la kullmay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada Dowladood iyo Mareykanka doorka uu ku leeyahay u gurmashada dadka Abaaraha saameynta ay ku yeesheen.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in Mareykanka uu ka dalbayo inay xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa dowladda ku ammaanay dadaalka ay wadaan ee ku aadan hormarka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u mahadceliyay Dowladda Mareykanka waxaana uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka mid tahay Dowladaha sida gaarka ah u taageera Soomaaliya.

14-kii Bishan Ciidamo American ah ayaa loo soo daabulay magaalladda Muqdishu ee Caasimada Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

Ciidanka ayaa gaaraya tira ahaan daraasiin waxaana tababaro ay siin doonnaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ee dagaalka kula jira Xarakadda Al Shabaab.

Tiro kooban oo ciidamo ah ayaa 2-dii bishan ka degay magaalladda Muqdisho, waxaana saraakiishu sheegeen in tagista ciidankaasi ay codsatay dowladda Somalia.

Ciidamada Mareykanka ee Muqdishu hadda jooga, ayaa noqonaya ciidamadii ugu horeeyay ee Militeriga dowladda Mareykanka ka tirsan ee Soomaaliya soo gaaray, marka laga soo tago tiro yar oo ah lataliyayaal dhinaca la dagaalanka argagixisada oo haray Soomaaliya usoo gaaray.

Mareykanka wax ciidan militeri ah kama joogin Soomaaliya tan iyo bishii March ee sanadkii 1994, xiligaas oo ciidamadii Militeriga Mareykanka laga saaray howlgalkii faragelinta UN-ka ee Soomaaliya.

Shan bilood kadib xiligaasi, 18 askari oo American ah ayaa waxaa lagu dilay magaalladda Muqdishu waxaana dilkooda laga sameeyay filimkii caan baxay ee Black Hawk Down.

Latest News

  • Madaxweyne Geele ayaa dhagax dhigay Warshad Loogu Talagalay In Biyaha Badda u Besho Macaan
  • Magaalada Beledweyne Oo Gaadiid Lagu Kala Afduubtay.
  • Waxgarad Ka Hadlay Waaran Loo Soo Jaray Suldaan Maxamed Muuse Oo Ka Mida Madaxdhaqameedka Togdheer
  • Dawlada Federaalka Somaliya Oo Sheegtay Inay Qabteen Dad Looga Shakisan yahay Al Shabaab.
  • Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Heshiiska Shirka Galmudug Iyo Ahlu suna Oo Ka Dhacay Cadaado

Latest Articles

  • Hadalka Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia waa farriin culus oo ku wajahan Xaalad-abuurka Xukuumadda Xamar: Ali Xaruuri
  • Maxaa inoo diidaya inaynu ciyaarno doorkeena siyaasadeed ee Gobolka inagoo bilaa aqoonsi ah! W/Q Mohamed Abdirahman
  • Tacsi Tiiraanyo Oo Leh Oo Ku Socda Marxuun Aadan Siciid (Aadan Dooc) Oo Ku Geeriyadoy Burco.
  • African Borders Are Based On Land, Not On Clans..Ibrahim Hassan Gagale
  • Farmaajo Dab buu ku ciyaarayaa. (Farmajo is playing with fire)…By: Ali Xaruuri

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital