unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Deg Deg Dawladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Safarkii Madaxwaynaha Somaliland ee Itoobiya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweyneyso sida madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u aqblay in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan dowladda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale boggaadiyay dadaalka ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ugu jiro dardargalinta is dhaxgalka dhaqaale ee guud ahaanba Geeska Africa.

Qoraalka ayaa u dhignaa siddan :

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.”

“Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka midho dhaliso wada shaqeyntaas.”

“Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.”

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.”

Qoraalkan ayaa ku soo beegmaya xili  magaalada Addis Ababa uu Ku Sugan Yahay  madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo kulan la qaatay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya.”

Latest News

  • Prof Samatar oo Ka Hadlay Safarkii ay Ciro isu Raceen Nairobi.
  • Bulshadda Muslimiinta Ah oo Loogu Baaqay In ay Gargaar u Soo Fidiyaan Nin u Jiifa Xanuun
  • Kulan Labo Geesood Ah Oo Gaalkacyo Ku Yeesheen Madaxweynayaasha Puntland Iyo Galmudug
  • Magaaladda Jigjiga oo Lagusoo Bandhigay Buugaag uu Qoray Qoraa Dhuudaan.
  • Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Ka Qayb Galay Tartan Dhinaca Qur’aanka Kariimka

Latest Articles

  • Ayaa Hortaagan In AY Dalka Ka Qabsoonto Doorasho Loo Dhan Yahay?
  • Somaliland – Dhuumasho Dhabarku Muuqdaa waa Dhib iyo Hadimo
  • Ogaysiis: UN HABITAT
  • Miyyi Ilaa Madaxtooyo: Sheeko Dhex Martay Siilaanyo iyo Sheekh Shariif
  • SHEEKH SHARIIF Xujada cusub ee Nabad iyo Nolol W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital