unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Michael Keating ” Labo sanno ka hor garoonka diyaaradaha uma dhaafin Gaalkacyo

Wakiilka xoghayaha-guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating oo maanta booqasho ku tagay magaalada Gaalkacyo ayaa ammaanay nabadgalyada ka jirta xarunta gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay in ay wax-badan iska badaleen ammaanka Gaalkacyo, isagoo warbaahinta kula hadlay saldhigga Booliska ee Shabeel oo xarun u ah ciidammada isku dhafka ah ee ka howlgalla magaalada Gaalkacyo , oo tan iyo howlgalkooda xasillooni ku soo dabaaley xarunta gobolka Mudug.

“Laba sanno ka hor mar aan imid Gaalkacyo, la iima ogolaan inaa soo dhaafo dhismaha gegida diyaaradaha, arrimo amni awgood, maanta na waxaan dhex marayaa badhtamaha magaalada.” ayuu yidhi Michael Keating oo intaas ku daray Qaramada Midoobay inay xoojineyso taageerrada ciidamada isku dhafka, wuxuuna u mahadceliyay maamullada Puntland iyo Galmudug ee wadajirka uga taliya Gaalkacyo.

Keating , waxaa socdaalka ku waheliyay saraakiil ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay iyo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed  oo dhankiisa ballan-qaaday taliska booliska inuu taageerrayo ciidamada isku-dhafka, waxaana intaas kaddib ay wadajir kulama kula qaateen koonfurta Gaalkacyo xubno ka socday bulshada qeybaheeda ee labada dhinac oo ay kula dardaarmen sidii nabadgalyada looga shaqeyn lahaa.

Latest News

  • Sharcigu Muxuu Ka Qabaa In Madaxweynuhu Kala Diro Golayaash Deegaanka Dalka?
  • Wasiirka Ku Xigeenka Maaliyadda oo Kormeeray Kastamada Wajaale iyo Kala Baydh.
  • Xildhibaan Siciid Cartan oo Sheegay inaan Laba Xisbi Doorasho Gali Karin.
  • Madaxwayne Farmaajo oo ka Qayb Galay Xidhitaanka Kalfadhigii 4-aad ee Golaha Shacabka.
  • Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Togdheer Oo Madaxweyne Biixi Baaq U Diray

Latest Articles

  • Maamul Xumo baahsan oo hadhaysay Gobolka Daadmadheedh iyo Badhasaabkii ugu liitay Badhasaabadii soo maray gobolka oo uu ku iloobay Madaxweynuhu.
  • XAQ DARO XALKEEDU ADKAAN DOONO (XADHIGA AXMED CADIB)
  • WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO (WQL) Muhamed Dhimbiil
  • SU’AAL DADWEYNOOW?
  • WARQAD FURAN !

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital