unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Al-Shabaab oo Khatar ku ah Danaha Mareykanka ee Bariga Africa

Kooxda Al-Shabaab ee saldhigeedu yahay Soomaaliya ayaa laga digayaa iney khatar ku yihiin danaha Mareykanka ee Bariga Afrika.

Warbixin lagu daabacay wargeyska The New York Times ayaa lagu sheegay in saraakiil ciidamada Mareykanka ah iyo kuwa sirdoonka ee argagixiso la dirirku ay sheegayaan in kooxdan ku xiran shabakadda Alqaacidda ay halis ku tahay ammaanka Mareykanka ee gobolka Geeska Afrika iyo xitaa gudaha dalka Mareykanka.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen. Stephen Townsend ayaa bishan isaga oo la hadlayay guddi ka tirsan Aqalka Koongareeska Mareykanka sheegay in khatarta Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya, tan gobolka, iyo guud ahaan caalamkuba ay tahay mid dhab ah.

Haddaba, maxaa keenaya in Al-Shabaab oo ay aad u kooban tahay dhulka ay maamusho ay khatar ku noqdaan ammaanka Bariga Afrika iyo danaha Mareykanka?

Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa waxa uu ka wareystay arrimahan Ismaaciil Daahir Cismaan oo soo noqday taliye ku xigeenka hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA, waxaana uu ugu horreyn weydiiyey warbixinadii ugu danbeeyey ee laga qoray arrimahan.

Latest News

  • Dawlada Jabuuti oo ka hadashay mudaharaadada Dalkeeda ka dhacay
  • Wax Ka Baro Taariikh Faneed Ee Cabdi Taliil Warsame
  • Madaxweynaha Dowladda Puntland Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Cabdi Tahliil Warsame.
  • Ciidamada dawladda ayaa la wareegay magaalada Tarhuna oo awood ay ku lahaayeen ciidamada Xaftar.
  • Fannaan Cabdi Tahliil Warsame Oo Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Latest Articles

  • Hambalyo  Meher Wacan
  • Coronavirus dabadii ninkii roon baa reerka u hadhi W/Q Sharmaar Waceys
  • Burco waxay u baahan tahay xoog dhalinyaro oo Ufadii Hargeysa oo kale ah !!!!W/Q xuseen laki
  • Mufti Magacaaban iyo Marjac Culimo Oo lagu Midaysan Yahay Midna Ma Hayno W/Q Sharmaarke Aw-muuse
  • Xasuuqii Iyo Mar Kale Maya: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital