unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Puntland Oo War Ka Soo Saartay Dilkii loo Geystay Xildhibaan Muqtaar Tinle

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Axmed Muuse Nuur ayaa ka hadlay dil xalay waqooyiga Gaalkacyo loogu geystay xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka ee magaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Muqtaar Axmed Cumar (Tinle), iyadoona dilkiisa ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado oo goobta isaga baxsaday.

Axmed Muuse Nuur oo wareysi siiyey Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in marxuumka uu sidoo kale ahaa ganacsade, islamarkaana ay dishay gacan ka xaq-daran.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay haatan ku raad-joogaan raggii ka dambeeyey toogashada, islamarkaanawadaan baaritaano dheeri ah.

Valueimpression Placeholder

“Muqtaar waxa uu ahaa Xildhibaan, sidoo kale waa Ganacsade, waxaa dishay Gacan ka xaq daran, waxaana dilkiisa ka dambeeyo dad caadeystay beegsiga dadka Bulshada wax u qabta, balse Ciidamada ammaanka ayaa ku daba-joogo oo aan ka quusan doonin soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ragga dilka geystay ee hadda la raadinayo ay dhaawaceen askari ka tirsanaa ciidanka ammaanka ee maamulka Puntland.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaan, sida ay baahisay Idaacadda Andaluus.

“Mujaahidiinta ayaa Gaalkacyo ku dilay mid ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al-Shabaab.

Ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid liitay, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan.

Latest News

  • Dawlada Jabuuti oo ka hadashay mudaharaadada Dalkeeda ka dhacay
  • Wax Ka Baro Taariikh Faneed Ee Cabdi Taliil Warsame
  • Madaxweynaha Dowladda Puntland Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Cabdi Tahliil Warsame.
  • Ciidamada dawladda ayaa la wareegay magaalada Tarhuna oo awood ay ku lahaayeen ciidamada Xaftar.
  • Fannaan Cabdi Tahliil Warsame Oo Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Latest Articles

  • Hambalyo  Meher Wacan
  • Coronavirus dabadii ninkii roon baa reerka u hadhi W/Q Sharmaar Waceys
  • Burco waxay u baahan tahay xoog dhalinyaro oo Ufadii Hargeysa oo kale ah !!!!W/Q xuseen laki
  • Mufti Magacaaban iyo Marjac Culimo Oo lagu Midaysan Yahay Midna Ma Hayno W/Q Sharmaarke Aw-muuse
  • Xasuuqii Iyo Mar Kale Maya: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital