unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Waddani Oo Ku Guulaystay Inuu Soo Afjaro Khilaafkii Golaha Wakiilada Iyo …

 

“Waxaan Halkan Ka Cadaynayaa Inaan Ka Tanaasulo Kursigii Aan Anigu Doorashada Ku Helay 39-Ka Cod Oo In Aan Uga Tanaasulo Baashe” Xil. Talyanle

“Xildhibaanada Golaha Ee 82-Ka Ahna Aan Dhex U Ahay Oo Ay Isku Kay Mid Yihiin, Waxaanu Illaahay Igu Ogyahay In Aan Dhexdhexaadnimo Ku Wado” Gudoomiyaha Cusub Baashe M. Faaraxsawirka heshiisiinta

Hargeysa, (Togdhnews) – Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa ku guulaystay inuu soo afjaro khilaafkii Golaha Wakiilada ee ka dhashay doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu uu ku dooranayey lixdii bishan August.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa maanta iskugu yeedhay gurigiisa Musharax Talyanle oo helay 39-ka cod iyo Musharaxii la tartamayey Baashe oo ee halay 38-ka cod balse loogu dhawaaqay inuu isagu guulaystay, waxaana kulankaasi maanta lagaga dhawaaqay in Cabdiraxmaan Talyanle uu uga tanaasulay Gudoomiyenimadii Golaha Baashe Maxamed Faarax.

Xalinta khilaafkan Golaha Wakiilada ayaa ku soo beegmay xili ay ku guuldaraysteen Xalintiisa hay’adihii kale ee dawlada ee Guurtida iyo Maxkamada Sare ee dalka, waxaana soo afjaray Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo socdaal ugu baxaya si uu usoo guto Waajibaadka Xajka.

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro waxaanu yidhi “Maanta hadii illaahay idmo waxaan u baxayaa xajkii dadka iyo dalkaba waan u sii ducaynayaa Illaahay waxaan ka baryayaa inuu nabadqab igu soo celiyo, waxaan u sheegayaa halkan war shacbiga Somaliland ku farxi doono oo ah in la soo afjaro murankii ka taagnaa golaha wakiilada Somaliland, sidaad ka warqabtaan waxa la qabtay doorashadii jagada gudoomiyaha wakiilada lixdii August 2017, waa la codeeyey, codkii iyo natiijadii lagu dhawaaqayna kala jaad ayay noqdeen, natiijadii waxa loogu dhawaaqay Baashe Maxamed Faarax codkana 39-ka waxa helay Cabdiraxmaan Talyanle oo isagu tartamayey, Somaliland dhaqan ayay leedahay.

Xisbi ahaan iyo mudaneyaalba waxaanu u ergoonay Golaha Guurtida sidii dhaqanku ahaan jiray garawshiyo lagama helin kadibna qawaanin ayaynu leenahay oo Maxkamada ayaa loo gudbiyey, Maxkamadiina Golaha ayay ku soo celisay, iyadoo arintaasi taagan waxaanu garanay in aanu shacbiga iyo dalka loo tudho walwalka faraha badan ee hayana laga kor qaado, waxa aanu garanay in hay’adihii kale ee qaranku ee marka khilaaf yimaado xalin jiray ay ku guuldaraysteen arintaas in aanu anagu isku noqono oo xildhibaano ahaan iyo xisbi ahaanba anaga oo qaranka u tudhayna aanu aqbalno in gudoomiye uu yahay Baashe Maxamed Faarax.” Ayuu yidhi Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ahaa Musharaxii u tartamay gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee helay 39-ka cod balse loogu dhawaaqay in 38 uu helay, isagoo arinta lagu xaliyey khilaafkaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Halkan waxa aanu ku sii sagootiyeynaa Musharaxa xisbiga Waddani, ahna Gudoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo u ambabaxaya Xajka, kadib hadal dheer gali maayo, hogaanka xisbiga oo uu ka mid yahay gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde, Hogaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, dhamaan markii aanu arintaasi isla eegnay waxa lagama maarmaan noqotay oo xal umadda Somaliland u cuntama oo aan ka nixin oo ka farxiya, golaha Wakiiladana badbaadiya, umaddana taariikh u noqoto in tanaasul ay halkaa Somaliland ku soo gaadhay la isku tanaasulo, waxa weeyi wadahadal dheer ka dib socdaalkaa dheer ee doorashada lagu galay oo gudoomiyuhu balbalaadhiyey yeelkadeede anagoon eegayn xag sharci, anagoon eegayn xag cod oo marwalba qiimaynayna ummadda reer Somaliland, anagoo qiimaynayna hay’addaa golaha Wakiilada, waxaan halkan ka cadaynayaa oo aan doonayaa in umadda Somaliland aan u sheego in aan ka tanaasulo kursigii aan anigu doorashada ku helay 39-ka cod ay iigu codeeyeen in aan uga tanaasulo Baashe Maxamed Faarax oo imika fadhiya golihii, isqabqabsi dambena aanu dhicin, umadda Somalilandna aanu sidaa ugu bushaarayno.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle.

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo uu uga tanaasulay xildhibaankii halka cod kaga guulaystay balse isaga loogu dhawaaqay guusha, waxaanu yidhi “Sidii aad maqlayseen waxaan joognaa gurigii Gudoomiyaha waxaanu u socdaa Xajka, waan u imid odayaasha golihiina cid kastaana ha heshee golihii khilaafbaa ku jira, dalkana khilaaf ayaa galay Cabdiraxmaan waxaan ku idhi Xajkiina wadigan u socdee ha lagaa aqbalee adiga oon xalilin khilaafkaa Xajkii ha aadin, nasiib wanaag Abtigay Cabdiraxmaan aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa, Tanaasulkaa uu sameeyey, waxay u tahay dalkana badbaado, golahana waxay u tahay badbaado.

Aniguna hadii aan gudoomiye noqonayo iyo hadii kaleba waxaan golaha u ahay dhex, gole khilaaf jirana dee gole noqon maayo, waxaan filayaa in golaha khilaafkiisii dhamaado, xildhibaanada golaha ee 82-ka ahna aan dhex u ahay oo ay isku kay mid yihiin, waxaanu Illaahay igu ogyahay in aan dhexdhexaadnimo ku wado, kuwii ii codeeyey iyo kuwii aan ii codayna ay iskugu kaymid yihiin.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax.

https://www.youtube.com/watch?v=Tr_lLE5k4IY

Latest News

  • Barmaamij Ku Saabsan Doorka Muslimiinta Marykanka Ku Nool Iyo Arimo Kale
  • Ka Digista Fidnada – Sh Cabdilaahi Barbaraawi
  • Siyaasi Dhoola yare Oo Ka Hadlay Hadallo Ka Soo Yeedhay Taliyayaasha Ciidamada
  • Beelihii Ku Diriray Degaanka Ceelafweyn Oo Kala Qaatay Diyaddii Dadkii Ay Kala Dileen
  • Siyaasiyiin Iyo Odayaal Fariin Culus u Diray Guddiga Doorashooyinka Iyo Xukuumada

Latest Articles

  • Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).
  • Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour? Taageerayaashii iyo asaasayaashii waddanka yuhuuda. Maxamed Ibrahim Saleban
  • Samaale ma wuxuu noqday ninkii daadka ka reebay ninka ay colka yihiin?..WQ Suxufi Maxamed Siciid (Xarrago)
  • Cugasho:Maanso Cusub Oo Tiriyay..Ismaaciil Qorsheel.
  • Toban Qodob oo ku saabsan Columbia iyo One Young World 2017;

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital