unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Madaxweynaha Shiinaha Oo Ka Digay Faafida Feyriska Dilaaga Ee Koroono Feyris (Coronovirus)

TOGDHEERNEWS : –  Faafidda feyriska ku dhaca neef mareen ayaa si xawli ah ugu sii fidaya dalka Shiinaha,waxaa sidaasi ka digay madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping.

Mdaxwaynaha ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray saraakiisha dowladda xilli dalkaasi looga dabaaldagayo sanadka cusub ee Shiinaha ee Lunar.

Dalka waxa uu wajahayaa “Xaalad qalafsan” waxaa uu Mr Xi sidaasi u sheegay saraakiisha sarsare.

Feeriska ayaa waxaa ilaa iyo imika u dhintay ugu yaran 56, halka uu guud ahaan Shiinaha uu soo ritay dad gaaraya 2,000.

Waxaa aqlabiyada dadka uu cudurkan soo ritay ay ku nool yihiin magaalada Wuhan.

Seynisyahano ayaa sheegaya in dowladda Shiinaha laga doonaya in ay dhinto heerka isu gudbinta feeriskan faraha ba’an ku haya dalkaasi ee neef mareenka ku dhaca %60 waa haddii ay tahay in cudurka la joojiyo.

Digniintan ka timid xarunta xakamaynta cudurada ee UK ayaa imaanaysa xilli ay dowladda Shiinaha ku dhawaaqday in tirada dhimashada cudurkan ay sii koradhay.

Mas’uuliyiinta waddanka Shiinaha ayaa joojiyay adeegyadii diyaaradaha iyo tareennada ee magaalada Wuhan oo ah magaalo ay ku nool yihiin 11 malyan oo ruux – waxaana sidoo kale la hakiyay gaadiidkii dadweynaha ee ka dhex shaqeynayay gudaha magaalada

Latest News

  • Gabadh Muslimad Ah Oo Markii Ugu Horaysay Ka Mid Noqotay Ciidamada Badda Ee Dalka Ustareeliya
  • Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Sheegay In Abbey Axmed Uu Farmaajo Ku Qasbaayo Imaatinka Somaliland
  • “Madaxwaynaha Iyo Shir Gudoonka Labada Gole Waxay Isla Qateen In Farmaajo ..” Xil Ibraahin M. Buuba
  • “Haddii Xamar La Fasaxay Hala soo daayo dadka u xidhan..”Xildhibaan Axmed Afyare 
  • Wefti Ka Socda Xukuumadda Somalind Oo Soo Afjaray Khilaafkii Ka Taagnaa Degaanka Wajaale

Latest Articles

  • MAXAA SOMALILAND FURSAD UGU JIRA SAFARKA MADAXWAYNE BIIXI KU TAGEY ADDIS-ABABA? W/Q Mohamed Abdi Jama  
  • Nidaamkeena cashuuruhu waa mid caddaalad darro ah oo danyarta culays ku ah (WQ: Guleed Axmed Jaamac “Dafac”)
  • Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Gabay Loo Tiriyey
  • XISBIYO/URURO SIYAASADEED QARAN OO DHISAN AYAA XUKUUMAD WANAAGSAN SOO SAARI KARA !!! W/Q Mohamed Dhimbiil
  • Xoog iyo Caadifad Shaqayn Mayso ee waa in la Helo Sharci Lagu Ciqaabo Dadka Somaliland ee u Goosta Soomaaliya Faalo

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital