unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Muxuu Yahay Cudurka Cusub Ee Laga Soo Sheegayo Dalka China??

Yunnan(Togdheer News)-Nin ka soo jeeda gobolka Yunnan ee Shiinaha ayaa laga helay cudurka Hantavirus isniintii toddobaadkan, waxaanay keentay argagax ka dhex jira muwaadiniinta adduunka oo wali la dhibaatoonaya cudurka coronavirus ee ka yimid dalka China.

Telefishinka Shiinaha ee Global Times ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in ninkaan isagoo ku sii jeeday Gobolka Shandong uu raacay bas Isniintii.

32-ka qof oo baska saarnaa ayaa iyagana laga baadhay fayraska.

Sida lagasoo xigtay Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada ee dalka China (CDC), hantaviruse waa qoys kamid ah Viruska oo ku faafa badanaaba xawayaanka jiirka, isagoo uga gudbi kara  dadka.

Cudurku ma aha mid lagu kala qaado hawo-qaadasho sida cudurka Coronavirus, balse waxaana laga qaadi karaa oo kaliya taabashada kaadida, saxarada, iyo candhuufta dadka qaba feyraska.

Calaamadaha hore ee cudurkaan waxaa ka mid ah daal, xumad iyo murqo xanuun, oo ay weheliso madax xanuun, dawakhaad, dhaxan iyo dhibaatooyin caloosha ah.

Haddii aan la daaweyn, waxay horseedi kartaa qufac iyo neefsashada oo yaraat. Waxayna noqon kartaa mid ugu dambyntii keenta geeri iyadoo heerka dhimashada uu yahay 38 boqolkiiba, sida laga soo xigtay CDC.

Waxaa cudurkaan sidoo kale astaamihii kamid ah, cadaadis dhiig oo hooseeya, naxdin daran, murqu xanuun, iyo kelyaha oo shaqadiisa xumaato.

Latest News

  • “1960 Kii AUN Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Xisbi Ayuu Hogaaminayey Adiguna Iminka Laguu Sheegayaa In Siyaasada Ka Qayb Gasho” Cabdikariin Axmed Mooge
  • Wasiirka Biyaha Oo Xadhiga Ka Jaray Ceel-Biyood Cusub Ee Arabsiyo
  • Khilaafka Doorashada Itoobiya Oo Cirka Isku Shareertay
  • Sheekh Cabdiraxmaan Dheere Oo ka hadlay Dhibaatooyinka Maandooriyaha
  • Somaliland Oo Ka Hadashay Heerka Xun Ee Kufsigu Marayo

Latest Articles

  • Madaxweynaha iyo Xisbiyada Waxay Masuuliyadi Ka Saarantahay Cidda Umadda Loogu dhiibayo Golayaasha Wakiillada Iyo DeegaankaW/QXuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)
  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo¬† Meher Wacan

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital