unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Yuusuf Garaad ayaa Ka Hadlay Qoraal La Sheegay In Lagu Daacayadeynayo Xisbiga Wadani Oo Ka Soobaxay Xafiiskiisa

Burco(Togdhnews)- Wasiiraha arimaha dibada soomaliya ayaa ka hadalay warqad Qoraala oo lagu sheegay inay ka soo baxada xafiiska wasaarada arimaha
dibada Soomaaliya kuna saxeexan yahay wasiirka wasaaradaasi,taasoo lagu sheegay in wasiirku sheegay in Xisbiga Wadani ee Mucaaridka ah una tartamaya doo
rashada Somaliland uu yahay xisbi aaminsan Midnimada ,Sidaas darteed gacan la siiyo. Waxaana warqadaasi ay ku wareegaysay baraha bulshada lagu wada xidhiidho
Sido kalena waxa soo daabacay qaar ka mida warbaahinta Maxaliga ee ka soo baxda Hargaysa ee Taageerta Xisbil xaakimka Kulmiye.Hadaba Wasiirka arimaha dibada
Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa markii u horeysa Qoraal kooban oo uu soo dhigay Facebook-giisa kaga jawaabay Warqaadiisu kuna tilmaamay mid been abuura ah
kana soo bixin xafiiskiisa,Waxaana qoraalkaasi u dhignaa sidan:

“Dad ayaa si toos ah iyo si dadban ii weydiiyay waraaq la faafiyay oo ku saabsan mid ka mid ah axsaabta ku tartamaya doorashada Somaliland.
Waraaqda la i weydiinayo waxay ku qoran tahay in ay ka soo baxday Wasaaradda aan hadda mas’uulka ka ahay.
U fiirso magaca Jamhuriyadda waa ku meel gaar taas oo laga soo gudbay 2012. Magaca Wasaaraddu sax uma qorna.
Waxaa ku qoran magaceyga oo ay higgaaddiisu hal meel ka badan ay ka qaldan tahay.
Saxiixeyga mid aan ahayn ayaa saaran.
Uma gelayo hannaan-xumada ay u qoran tahay oo qofkii u fiirsadaa uu fahmi karo in ay tahay been-abuur.”Ayuu Ku soo Daabacay Bogiisa uu Ku Leeyahay Facebooka.

Latest News

  • Barmaamij Su,aalo Iyo Jawaabo Diini ah Oo La Waydiinay Sh.Berberaawi.
  • Qaybo Ka Mida Taariikh Nololeedkii Marxuun Axmed Yaasiin Gabay Xaddi Oo Boobe Ka Hadlay
  • Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Ayaa Gaadhay Magaalada Muqdisho
  • Musharraxii M/ Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani Oo Hambalyeeyay Taageerayaashii Isbedel Doonka
  • Alle Haw Naxariistee Marxuun Axmed Yaasiin Gabay Xaddi Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Hargaysa

Latest Articles

  • Maansada ..Ahmed M. Adam (Doob baje) Toronto, Canada
  • Dallada SSE oo Dhambaal Hambalyo ah u Direysa Madaxweynaha la Doortey
  • Dallada SSE oo Dareen Taban ka Muujisey Shaqaaqada Ka Dhacdey Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco
  • Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).
  • Yaa ka danbeeyay Baaqii dhagaraysnaa ee Balfour? Taageerayaashii iyo asaasayaashii waddanka yuhuuda. Maxamed Ibrahim Saleban

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital