unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Qatar oo safaarad weyn ka dhisaneysa Somalia

Dowladda Qatar ayaa safaarad cusub ka dhisaneysa magaalada Muqdisho, taasi oo ah astaan kale oo muujineysa soo kabashada caasimadda Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Middle East Monitor.

Safaaradda Qatar ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay noqoto tan labaad ee ugu weyn ee Soomaaliya, kadib midda Turkish-ka.

Middle East Monitor, ayaa warka dhismada safaaradda cusub kasoo xigatay sarkaal ka tirsan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Axmed oo sawirada naqshadda safaaradda ku shaaciyey Twitter.

Qatar ayaa sanaddii 2019 waxay Soomaaliya ka billowday fulinta mashruucyo horumarineed oo dhowr ah.

Valueimpression Placeholder

Qatar ayaa dhiseysa dekedda cusub ee magaalada Hobyo, taasi oo loo arko maal-gelin ballaaran oo ay ku sameysaneyso mid ka mid ah dekedaha Soomaaliya ee ay ku loolamayaan dalalka Khaliijka.

Qatar ayaa loo arkaa dowladda ugu dhow ee saaxiibka la ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Latest News

  • Falanqayn: Maxaa La Gudboon Burco Iyo Berbera, Maadaama Laga Helay Kiisaskii Ugu Horeeyay Corona?
  • Amb Fiqi oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
  • Khamrigiii Ugu Tirada Badnaa Oo Booliska Magaalada Boosaaso Soo Qabteen Kadibna Meel Fagaare Ah Ku Gubeen
  • Iska hor-imaad xooggan oo dhex maray ciidamada Kenya iyo Itoobiya
  • Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay baroor diiq Qaran loo sameynayo R/wasaarihii hore ee Soomaaliya

Latest Articles

  • Xasuuqii Iyo Mar Kale Maya: W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • Maxaa Hargeysa ku soo dabaali kara xayndaabka jamhuuriyah Soomaaliyah?
  • Abiy Iyo Uhuru Waxay U Qaateen In Fikraddii Soomaaliweyn La Dhimatay Burburkii Soomaaliya W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • Cudurka Halista ah ee Corono-Virus oo Saamayn Xooggan ku Yeeshay Hab-nololeedkii Caadiga ahaa ee Bulshooyinka Caalamka
  • Isbedel Geeska Afrika Ka Dhacaa Waa Lama Huraan. Maxaa Uga Meel Yaal Somaliland? W/Q Mustafe Adam

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital