unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Somaliland: Madaxweyne-ku-xigeenka oo ku Dooday in aan Laga Maarmi Karin Bangiyada ku Shaqeeya Nidaanka Ribada

 

Cabdiraxmaan Saylici oo caddeeyey in aanay dawladdu cashuurta ku waajibtay ka wada qaadin shirkadaha waaweyn ee ganacsiga

“Hantidii ummadda reer Somaliland waa hanti mayd ah oo fadhida, wax alle wax macno ah oo ay samaysaa ma jirto, haddii aynu maanta lacagta aynu…”

 

“Waxaan leeyahay bangiyada islaamiga ah (Islamic Bank) lacagta ay dadka saarayaan way badan tahay… Bangiyadan aynu qaadanay ee islaamiga ah naxariista ha lagu darro”

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland

 

Hargeysa (Togdhnews)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi (Saylici), ayaa ku dooday in aannu dalku ka maarmi karin bangiyada ganacsiga caalamiga ah ee ku shaqeeya nidaamka ribada ah.

Md. Cabdiraxmaan Saylici oo hadal ka jeediyey xaflad lagu daah-furay xarunta baanka nidaanka islaamiga ah ku shaqeeya ee Premier Bank ee Somaliland shalay, waxa uu tilmaamay in bangiyada ganacsigu yihiin qaar isku xidha adduunka oo aan laga maarmi karin, balse waxa uu xusay in aan qofna lagu khasbi karin inuu qaato lacag ribo amma dul-saar ah.

“Waxa aynu nahay qaran dhan oo kama maarmi karno bangiyada caalamka ka jira (commercial banks), qaran jiraana wixii adduunyadu leedahay kama maarmi karo, laakiin ma jirto cid lagu khasbayo amma lagu dhiirigelinayo inay qaadato ribo,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

Waxa kaloo uu naqdiyey baananka ku shaqeeya nidaamka islaamiga ah ee ka furay Somaliland oo uu sheegay inay lacag badan oo macaash ah (murraabaxo) saaraan dadka macmiisha u ah, waxaannu yidhi; “Fule xantii ma moogee waxa la yidhi bangiyadii aan Islaamiga ahayn yaan la furin, waxaan leeyahay bangiyada islaamiga ah (Islamic Bank) la yidhaahdo lacagta ay dadka saarayaan way badan tahay… Waxa aan leeyahay bangiyadan aynu qaadanay ee islaamiga ah naxariista ha lagu darro, marka aad qiimaha (murraabaxada) jebisaan sirta ganacsiga ayey ka mid tahay qofka waxyar saara in macaamiishiisu badato, waxaanna laga yaabaa marka aad jabisaan (hoos u dhigtaan murraabaxada) inay timaad inta maanta aad maalgelisaan inay badato oo sii laban-laabanto.”

Md. Cabdiraxmaan Saylici, ayaa sheegay in dadka reer Somaliland ay lacago badan oo malaayiin doollar ah geliyaan dhulka la kala iibsado, taasoo uu xusay inay keentay in hantida dhulka la geliyey tahay mid aan shaqayn oo mayd ah, loona baahan yahay in lacagtaas laga shaqaysiiyo si ay saamayn ugu yeelato koboca dhaqaalaha Somaliland.

“Maanta hantidii ummadda reer Somaliland waa hanti mayd ah oo fadhida, wax alle wax macno ah oo ay samaysaa ma jirto, haddii aynu maanta lacagta aynu dhulka gelino aynu bangiyada dhigano shaqlo la’aan danbe oo dalka ka jiraysaa ma jirto, dhaqaalaha dalkuna cirka ayuu marayaa.”

Waxa kaloo Madaxweyne-ku-xigeenku caddeeyey in lacago badan oo cashuuro ah iyo xuquuqo kale oo dawladdu leedahay ay ku maqan yihiin shirkadaha kala duwan ee ganacsiga.

“Waxa aad moodaa in shirkaduhu (ganacsiga gaarka ah) ay ka hor tallaabsadeen dawladda, laakiin markasta waannu dhiirigelinaynaa inay kobcaan, wixii wanaagsan ee dadka u soo kordhana waannu ku dhiirigelinaa, laakiin iyaguna tallaabada ay qaadaan yaanay odhan dawladda waad ka itaal roontihiin, waxaanad ogaataan in aad haysataan wax badan oo dawladdu leedahay, shirkadaha, haddii ay bangi tahay iyo ay shirkadu kale tahayba lacagtii cashuurta iyo wax walba oo xaq la idiinku lahaa wuu idinku maqan yahay. Waxba ha noo gamba-gambaynina oo kolba marka aad leedihiin $100 milyan ayaannu halkan ku caawinay, waa lacagtii cashuurta dawladda oo aad weli haysaan.

Somaliland cashuur la qaadaa ma jirto runtii, cashuurta aynu qaadnaana ma dhama 30% amma 20%, laakiinse dadkeena iyo dalkeena ayaa ku koray oo waannu ku faraxsanahay oo haddii aanay dawladda soo gelinna shacabkii ayaa haysta oo wuu ku koray, laakiinse dawladda ha la adkeeyo ayaan ku dardaarayaa,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Latest News

  • Daawo: Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka Ayaa Duqayn ku Laayay Todoba Qoys Oo Ka Soo Wada Jeeda Hal Qoys
  • Daawo:Bandhiga Suugaanta Abwaan Xasan Ganey oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa
  • Daawo:Xafladda Furitaanka Sannad Dugsiyeedka Dugsiga Cabdalla NUuri ee Magalada Burco
  • Daawo:Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabka
  • Daawo:Taageerayaashii Siyaasi C rashiid Xasan Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Uu Kaga Baxay Xisbiga Waddani

Latest Articles

  • Gabay cusub oo la magac-baxay Hoga-tusaale
  • Waa maxay sababta horjoogayaasha Al-shabaab dawladu Rooga-Cas ugu dhigtaa,dhalinyartana Tiirka Toogashada lootagaa?W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
  • Shirkadaha Dahabshiil Group waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan Xasan Cabdi Cawed
  • Waxaan Godobteedu Hadhin, Gar Aad Leeduu Og-yahay, Nin Kaaga Masuugay Gole ( daacad Alle Yaqaan)!!
  • Fadeexado Dul Hoganaya Maamulka Gobolka Daadmadheed

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital