unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Iran oo waaran soo qabasho u jartay DONALD TRUMP

Tehran (Togdheer News) – Dowladda Islaamiga ah ee Iran ayaa soo saartay waaran lagu soo xirayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaas oo ay rumeysan yahiin iney ka dambeeyay duqeymahii lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan xukuumada Tehran.

Iran ayaa booliska caalamiga ah ee Interpol ka codsatay iney gacan ka geysato sidii loo soo qaban lahaa Donald Trump, waxaana loo heystaa dilkii Qassem Soleimani.

Ali Alqasimehr oo ah dacwad oogaha sare ee Iran ayaa aaminsan in Trump iyo soddomeeyo kale oo dad ah ay wajahayaan dacwad ku saabsan dambiyo iyo dilal la xiriira argagixisanimo.

Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ay gantaal ku dileen Soleimani oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyey guutada Qudus ee ciidamada kacaanka Islaamiga ah ee Iran.

Valueimpression Placeholder

Hay’adda Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaan wax war ah kasoo saarin hadalka kasoo yeeray dowladda Iran.

Donald Trump wuxuu aaminsan yahay in sarkaalkii laga dilay Iran uu qorsheynayay weeraro waaweyn oo ka dhan ah xukuumadda Washington.

Latest News

  • Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Kormeeray Xarumaha Dawlada Ee Gobolkaasi
  • Madaxweyne Puntland Oo Gudid U Magacabay Aaska Qaran Ee Madaxweynihii Hore Ee Puntland Iyo Ra’Iisul Wasaare Hore Soomaaliya
  • Mid Ka Mid Ah Madax Dhaqameedka Somaliland Oo Ka Hadlay Soo Qabashada Labadii Gacan Ku Dhiigle Oo Deeganka Ceel Afweyn
  • Suldaan Cusub Oo Lagu Caleemo saaray Dalka Sweden Kaso Ka Shaqayndoona Arimaha Dhaqanka Soomalida
  • “Waxaan Lee Yahay Aynu Iska Dul Qaadano Saamigeena Waynu Helaynaayee ” Boqrka Beelaha Gabooye

Latest Articles

  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan
  • Coronavirus dabadii ninkii roon baa reerka u hadhi W/Q Sharmaar Waceys

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital