unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Madaxweynaha oo Caawa Booqday Qoys Daadku Ka Qaadeen Hooyo IyoLaba Caruura

Hargeysa-30.04.2018-(Togdhnews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu gaadhay xaafadda qudhac-dheer oo uu ka dhacay qadar Alle, kaas oo ay sababeen roobabkii galabta ka da’ayey dalka gaar ahaan kuwii caasimada Hargeysa, oo daadadkii ka soo rogmaday ay caawa qaadeen hooyo iyo laba caruurta oo ay dhashay.

Hooyadan daadku qaaday ayaa xambaarsanayd wiil yar, sidoo kalena ay wehelinaysay gabadh yar oo ay dhashay, kuwaas gebi ahaanba daadku la tegay, markii uu daadku soo gaadhay guri jiingad ahaa oo ay laba maalmood ka hor uun kiraysteen kuna dhexyaalay dooxa, waxaana la soo helay hooyadii oo hada koomo ku jirta iyo gabadhii yarayd oo mayd ah, halka wiilkii yaraa ee hooyadu dhabarka ku sidayna la raadinayo.

Madaxweynuhu markii uu gaadhay goobtaasi waxa uu la kulmay aabaha qoyskaasi oo lagu magacaabo Axmed Qorane oo ay hadaladiisii ka mid ahaayeen “markay telefoonka igu soo dhufatay ee ay alla hoogayey tidhi een soo cararay ee aan meel alle meel aan u maro waayey ee dooxii iga dheeraaday ayaan anna dib isaga noqday, ka dib sandaqadii ayuu laba u kala gooyeen bixiyihii dooxu, wax dhacday in xitaa ummaddii badbaadin kari wayday caruurtii” goobtaasi oo ay soo degeen laba maalmood ka hor uun ayuu sheegay aabbo Axmed Qorane in laga kireeyey waxaana meesha keenay aqoon la’aan ayuu yidhi isagoo madaxweynaha u sharxaya sida ay wax u dhaceen.

Aabbo Axmed Qorane oo hadalka sii wada ayaa yidhi “Inan maydkiisa lama hayo, hooyadii iyo isaga inta uu wada qaatay daadkii ayuu xanjeerkii ay ku xidhnayd ee ay ku xambaarsanayd ka furteen biyihii, iyadiina koomay ku jirtaa oo waa la helay, innana imikaa maydkeedii ayaa la helay, meeshuna waa halkaa dooxa badhtankiisa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray qoyskaa qadarka alle la kulmay, una duceeyey hooyada koomada ku jirta, amrayna in gurmad qaran laga galo wiilka maqan sidii loo soo heli lahaa raq iyo ruuxba, waxaanu yidhi madaxweynuhu “wixii qadar ilaahay keeno waa qadar ilaahay uun, ka maqan geeri iyo nolol gurmad waynu wada geli, wixii dhibaato iyo masiibo dhacdayna waa lagula wadaagi oo qarankaagiibaa kula jooga, markuu gurmadku wada yimaado calool adayg uunbaa loo baahan yahay iyo Samir, iyo tallo danbe oo wixii noocan oo kale ahna qaran ahaan looga wada tashado haddii alle yidhaahdo, waan kaa tacsiyadaynayaa ka dhintay, ka maqana waanu kula gurmanaynaa, masiibadana waanu kula qaybsanaynaa, dad badan ayey caawa dhibaato gaadhay waana ka wada hawl-gelaynaa, ilaahayna waxa aan kaaga baryeynaa in ka dhintayna halkiisa cawil khayr qaba ku geliyo, gabadhana Alle ha caafiyo, adigana Alle ha kaa Samirsiiyo oo qalbiga ha ku adkeeyo, samirkana badi dhamaanteenba waynu wada xukumanahay ”

Wa- bilaahi Tawfiiq

           
 
 
 
                    Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland
Line: 518390

Latest News

  • Xukuumadda Somaliland Ayaa Sheegtay In Gollayaasha Sharci Dajinta Ee Muddo Dhaafka
  • Maayirka Ceerigaabo oo digniin u diray Haay’addo warar beena ka faafiyay gobolkaasi
  • Shirwaynaha qaran ee hanaanka dhab u heshisiinta qaranka oo muqdisho lagu soo xidhay.
  • Siyaasi Cabdilaahi jawaan Muxu ka yidhi in Ethopia dhex dhaxaadineyso Somaliland iyo Soomaaliya
  • Deg Deg Dawladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Safarkii Madaxwaynaha Somaliland ee Itoobiya.

Latest Articles

  • Somaliland – Dhuumasho Dhabarku Muuqdaa waa Dhib iyo Hadimo
  • Ogaysiis: UN HABITAT
  • Miyyi Ilaa Madaxtooyo: Sheeko Dhex Martay Siilaanyo iyo Sheekh Shariif
  • SHEEKH SHARIIF Xujada cusub ee Nabad iyo Nolol W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
  • Maamul Xumo baahsan oo hadhaysay Gobolka Daadmadheedh iyo Badhasaabkii ugu liitay Badhasaabadii soo maray gobolka oo uu ku iloobay Madaxweynuhu.

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital