unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Deg Deg:Maxkamadda Racfaanka Amartay In Dib Loogu Celiyo Dadkii Lahaa Gaadiidkii Ay Boolisku La Wareegeen Ee Lagu Qabtay Qaadka.

Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka soo saartay xukun ah In Gaadiidkii Lagu Qabtay Jaadka Loo Celiyo Dadkii Lahaa.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, wax kale oo ay amartay in Muwaadiniintii Gaadiidka iyo Qaadka lagu qabtay ee Maxkamadda Gobolku hore ugu xukuntay xadhigga 3-da sanadood ah iyo Ganaaxa ah lacageed laga khafiifiyo Xukunkaasi.

Maxkamadda ayaa amartay in Qofkii ku xukunkaa 3 sano oo xadhig ah, Xadhiggiisa laga dhigo 1 sano iyo badh, sidaana waxa Warbaahinta u sheegay Ururka Qareennada Somaliland.

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Maxkamadda Gobollada kale ee dalka ayaa Bil ka hor waxay xukumeen in Boolisku la wareego gaadiid badan oo lagu qabtay Kootarabaan ah, xilligii Guddiga ka hor-tagga Covid_19 hakiyeen Qaadka Itoobiya ka yimaadda, si looga hor-tago Xanuunka Covid_19 oo xillligaa aad ugu faafayey Dunida iyo Somaliland.

Markaasi ka dib, waxa Ciidammada Boolisku ay is iskood ah Ranjiga uga beddeleen Gaadiidkii ay Qaadka ku qabteen oo ahaa nooc kasta oo gaadiidka ah, sida Tagaasida, Noohooyin Booyado, Laanguruusallo iyo gaadiid kale oo tiradoodu badnayd.

Latest News

  • Suldaan Cusub Oo Lagu Caleemo saaray Dalka Sweden Kaso Ka Shaqayndoona Arimaha Dhaqanka Soomalida
  • “Waxaan Lee Yahay Aynu Iska Dul Qaadano Saamigeena Waynu Helaynaayee ” Boqrka Beelaha Gabooye
  • Xukumada Waxan Uga Digaynaa In Shirkado Gaar Ah Lagu Wareejiyo Solarka “Xisbiga Waddani
  • Gollaha Wakiilada Oo Ansixin Doona Kootada Haweenka Iyo Dadka Laga Tirada Badan Yahay
  • “Waa La Ilaaway Fanaanka Moh Bk Iyo Ciyaartoyga Siciid Westi” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Latest Articles

  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan
  • Coronavirus dabadii ninkii roon baa reerka u hadhi W/Q Sharmaar Waceys

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital