unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Fannaan Caan Ah Oo Xalay Toogasho Lagu Dilay Addis Ababa + Rabshado Ka Dhashay+Abiy Axmed Iyo Jawar Maxamed Oo Ka Hadlay

Adis Abab(Togdheer News)Hajalu Hundesa oo ka mid ahaa fanaaniinta Oromada ee caanka ah ayaa toogasho lagu dilay xalay caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa ka dib markii ay rasaas ku fureen rag aan heybtooda la garan.

Toogashada fanaankan ayaa ku soo beegantay xili uu Toddobaadkii hore uu waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Tv-ga OMN, waraysigaasoo uu ku weeraray boqorkii hore ee Itoobiya ee Minilik oo ka soo jeeday qowmiyada amxaarada, waxaana ka dhashay hadal heyn badan.

Dilka loo geystay Hajalu ayaa sababi kara Khalqal iyo banaanbaxyo waaweyn oo mar kale dalkaas ka dhaca, waxaana jira walaac ku saabsan in falkan uu dib u soo nooleeyo colaadii ka dhexeysay qowmiyadaha Itoobiya qaarkood gaar ahaan Oromada iyo amxaarada.

Xalay gelinkii dambe markii uu soo baxay warka ku saabsan dilka fanaankan ayaa banaanbaxyo lagaga soo horjeeda toogashadiisa waxay ja bilowdeen qaybo ka mid ah caasimada Itoobiya iyo Ismaamulka Oromia.

Raisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed oo ka hadlay qalabka warbaahinta dowlada ayaa ka codsaday shacabka cadheysan inay is dajiyaan, kana war sugaan hay’adaha nabadgalyada .

Sidoo kale Jawar Mohamed oo ah hogaamiye ka tirsan Oromada oo mucaarad ku ah dowlada Itoobiya ayaa shacabka ugu baaqay inay isdajiyaan kana war sugaan baadhitaanada la bilaabay. hase ahaatee dadka isku soo baxay ayaan dhag jalaq u siinin hadaladaa kasoo yeeraya dhinacyadaa kala duwan, waxaana xalay gelinkii dambe sii xoogeystay dadka rabshadaha sameynaya, iyadoo laga cabsi qabo in subaxnimadan ay ka sii daraan banaan baxyada iyo rabshadaha.

Latest News

  • “Tubaakadu dalka waxay Ku Soo Gashay Si Sharci Ah” Guddoomiyaha Hay’ada Dhowrista Tayada S/land
  • Shirkii Dhuusomareeb Uga Socday Maamul Gobaleedyada Somaliya Oo La Soo Gabagabeeye+War Murtiyeedka Laga Soo Saaray
  • Guddoomiye Cirro Oo Xil U Magacaabay Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir
  • Taliyaha Guud Ee Ciidammada Millatariga Somalia Oo Ka Badbaadey Qarax Ismiidamina Oo Lala Eegtay
  • Guddoomiyaha Aqalka Sare oo war kasoo saaray go’aanadii kasoo baxay shirka Dhuusamareeb

Latest Articles

  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan
  • Coronavirus dabadii ninkii roon baa reerka u hadhi W/Q Sharmaar Waceys

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital